"Haddii Farmaajo yimaado Somaliland dhibaato weyn ayaa dhici doonta"…

0
Tuesday February 18, 2020 - 13:24:05 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Haddii Farmaajo yimaado Somaliland dhibaato weyn ayaa dhici doonta"…

    "Haddii Farmaajo yimaado Somaliland dhibaato weyn ayaa dhici doonta"…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii Farmaajo yimaado Somaliland dhibaato weyn ayaa dhici doonta"…
Hargaysa (HWN):-Col. Ibraahim C/laahi Dhego-weyne, oo ka mid ahaa saraakiishii ururkii SNM ayaa arrin aan la aqbali Karin ku tilmaameen in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ay socdaal ku imanayaan Somaliland.

Dhego-weyne, waxa uu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo ay maanta magaaladda Hargaysa ku qabteen xubno isugu jiray saraakiil ka tirsanaa ururka SNM iyo siyaasiyiin kaloo reer Somaliland ah.



Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Aadan Cusmaan, C/laahi Gaaxnuug Cali, Ibraahim C/laahi Dhego-weyne, iyo Axmed Jaambiir Suldaan.
Waxaanay xubnahaasi cadeeyeen sida ay u diidan yihiin safar uu madaxweynaha Soomaaliya ku yimaado Somaliland, tallaabadaasi oo ay ku tilmaameen mid dhibaato keeni doonta.

Col. Dhego-weyne, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, "Si toos ah ayaanu u diidan nahay, in uu Farmaajo yimaado Somaliland, waana khalad cida soo qaadatay. Farmaajo haddii uu Hargaysa yimaado, wax aanu filaynin ayuu kala kulmi doonaa.

Farmaajo, xasuuqii muu qiran. Dadkii xasuuqa gaystay maxkamad looma furin, oo lama keenin. Wixii dhacay lama qiimaynin, oo diyaar uma aha in laga wada hadlo”.

Waxa kaloo uu sheegay Dhego-weyne, in aanay suurto gal ahayn in wadahadalo furmaan ilaa Farmaajo uu qiro xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland.

"Markaa saddexdaa qodob oo laga jawaabo maahee, cid wax keeni karta iyo cid cid la hadli kartaa ma jirto, oo meeli uga banana tahay.
Wixii xasuuq ahaa ee dhacay, waa in loo helaa meel lagu qoro iyo ummadii dhimatay. Markaas ayuu wadahadal bilaabmi karaa”.
Geesta kale Col. Dhego-weyne, ayaa ka digay cawaaqib xumadda ka dhalan karta haddii uu Farmaajo yimaado Somaliland.

"Haddii Farmaajo uu yimaado Somaliland, dhibaatadii hore Hargaysa uga dhacday mid la mida ayaa dhici doonta”ayuu yidhi Ibraahim Dhego-weyne.

Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa,Somaliland

Loading...
Loading...