Jahawareer Balaadhan Oo Soo Food Saaray Jiritaankii Iyo Hanankii Dowladnimo Somaliland

0
Tuesday February 18, 2020 - 12:02:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Jahawareer Balaadhan Oo Soo Food Saaray Jiritaankii Iyo Hanankii Dowladnimo Somaliland

    ASALLAMU CALAYKUM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASALLAMU CALAYKUM

Dhamaan waxaan halkan salaan gaara oo Aad u qiimo badan uga dirayaa dhamaan Bahda saxaafada madaxa banaan ee HADHWANAAGNEWS mar walba u heelan in Ay warar hufan o faahfaahsan u soo Gudbiyaan shacbi weynaha meel kasta o ay Ku nool yihiin aniga o ku guubaabinaaya in Ay howshooda si laba laabaan mahad Balaadhana aan mar walba u diraayo inta ka bacdi.



Waxa aan maanta qalinka usoo qaatay in Aan fikirkayga cabiro iyada Oo aan ku Cabiraayo si saliim ah Oo aan doonaayo in Meelo badan Oo ay ka jirto baylah iyo Jahawareer balaadhan o soo food saaray Jiritaankii iyo hanankii dowladnimo ee Somaliland ee umada somaliland ku Naaloonaysay mudo haatan laga joogo 30 Sano sida la wada og yahay mudadii u Hogaanka dalka la wareegay MUSE BIIXI Waxaa soo baxayay wax yaabo Umada ku Riday Anfaraar iyo naxdin taaso Mararka Qaar umadu ay kaba war warto sii Jiritaankii Madax banaanidii Somaliland oo Baryahan Danbe la moodo in ay god madow Ku sii Dhacayso oo sida looga soo Saara ay Adag Tahay, hadaba akhriste waxaynu laba Qaybod u kala qadayna hogamiyaha Fashilka ah waxa lagu Garto iyo hogamiyaha Umadi u baahan tahay Ku yahay


Hogaamiyaha Faashilka ahi

( the failed leadership).

Waxaynu Ku soo ururin doonaa qodobadan

1_ hogaamiyaha fashilmaa wuxuu yeesha in aanu kala GARAN shaqadiisaa qaybaha ay kala leedahay, isagoo aan si fiican u kala saarin, WAX qabadkiisa sida ay u kala muhiimsan yihiin, oo waxaa laga yaaba shaqo aad u culus ama dadkiisa iyo dalkiisa wax badan oo qiima ah ugu fadhida in aanu muhimad siinin oo shaqo aan qiimo badan joogin Ku mashquulo, sida qabyaalad, balan beena ama ila meerayso oo kale

 

2_ hogaamiyaha fashilmaa waxaa astaan u ah in aanu xidhiidh fiican la lahayn dadkiisa oo had IYO JEER, isaga IYO dadkiisa u dhexeeyaan, dilaaliin, afmiishaariin, tuug dhulka u boobta IYO WIXII la MID ah

 

3_ Hogaamiyaha fashilmaa mar walba wuxuu awooda saara inuu dadkiisa kala qaybiyo, isagoo adeegsanaya qabyaalad QAAWAN, si uu cimri dharar uga dhigto sii joogitaanka xafiiska, wuxuu umadiisa Ku dhex abuura kooxo uu magacyo ula baxo oo dadka Ku dhex  beera kala shaki, IS nac iyo cuqdad sida ta maanta SOMALILAND ka jirta oo ah HEEGO, IYO JEEGAMIISAN

 

4_Hogaamiyaha xun, waxay dadkiisu u QAADAAN naceeb IYO cadaawad, madaama uu yahay qof aan umadii hogaamin Karin oo faashil ah, taaso keenta in dadkiisu dagaal kala horyimaadaan hubaysan, ama ay dalkaba uga haajiraan, nacayb ay u qabaan awgii, sida maantaba dalkeeni ka Muuqata, oo ay dhalin yaradii, Saxafadii, aqoon_yahankii, Wax garadkii iyo ganacsatadi Abwaniinti Fanaaniinti Ciyartoydiiba uga yaacayso.

 

5_Hogaamiyaha xumi wuxu leeyahay Maamul qalafsan oo Ku dhisan ila muran iyo ila garnaqso, taaso mar walba uu la soo hor istaagaayo umadiisa, jikaar iyo yaan lagaa gar helin, sidii uu yahay nin maxkamad la horkeenay oo danbi iska difaacaaya

 

6_Hogaamiyaha Xumi wuxuu ilaba danaha dalkiisa iyo dadkiisa isago ka door bida waxyabo dadka iyo dalka kala qaybinaya isago ku Tunta xoriyatul qawl ka Cabudhiyana SAXAFADA Madaxa banan Arinkiisuna noqdo CAR JUUQ DHEH,,

 

HADABA AKHRISTE WA KUMA HOGAAMIYE??

 

Waxaan doonaya in aan halkan ku soo bandhigo ama sharaxaad kooban ka bixiyo wuxu hogaamiye yahay, Hadii aan hogaamiye Yara sharaxo muxu yahay Hogamiyaha aynu u bahanahay waxaan Ku soo koobi karaa intan

 

1_ hogaamiye (leader) waa qof umad horkici kara, isagoo aqoon IYO garasho u leh nidaamkii u umada ku hogaaminaayay, hadii ay tahay mid maadi ah ama DIINIYA

 

2_ waa qof leh dulqaad iyo adkaysi ka badan ka ay dadka uu hogaamiyaa LEEYIHIIN,taaso ay tahay inuu u dulqaadan karo duruuf kasta oo kaga TIMAADA dadka UU hogaanka u hayo,

 

3_ waa inuu leeyahay hal_abuur ka duwan ka dadka kale, oo ah inuu keeni karo fikrado cusub oo horumar iyo barwaaqo u horseedi karta dadkiisa

 

4_ waa inuu yahay qof qaata talooyinka ee aanu noqon kaligii taliye macangag ah, oo qofkii FIKIR ka duwan la yimaada budhka saara ama xujeeya.

 

5_ waa inuu talo _yaqaan yahay rog rogi Kara talooyinka, EE aanu noqon qof cid ama KOOX dhagta wax u saaraan, oo sidii awr qooqan dadka Soo dhex jibaaxa.

 

6_ waa inuu yaqaana dadka dhaqankooda, SI UU awood ugu yeesho inuu xalin karo khilaafaadkooda.

 

7_ waa inuu ahaada mid umada uruurin Kara ama isku hayn Kara, ee maaha inuu noqdo kii Ay SOOMAALIDU KU maahmaahi jirtay FIRDHIYE BEER MADOOBE.

 

BOOWE MAXAA KU BAXAY?

 

Wa Bilaahi TawFiiq

By, Dawlad Caanageel

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...