Maxay Yihiin Qodobada La Filayo In Kornayl Muuse Biixi Kaga Hadlo Khudbada Uu Baarlamaanka U Jeedinayo

0
Monday February 17, 2020 - 18:52:45 in News by
  • Visits: 2374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Yihiin Qodobada La Filayo In Kornayl Muuse Biixi Kaga Hadlo Khudbada Uu Baarlamaanka U Jeedinayo

    Maxay Yihiin Qodobada La Filayo In Kornayl Muuse Biixi Kaga Hadlo Khudbada Uu Baarlamaanka U Jeedinayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Yihiin Qodobada La Filayo In Kornayl Muuse Biixi Kaga Hadlo Khudbada Uu Baarlamaanka U Jeedinayo


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu labada gole baarlamaan [Guurtida iyo wakiilada] uga waramo kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Addis Ababa.




Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu toddobaadkan khudbada distooriga ah ee labada gole u jeediyo baarlamaanka, waxaana la filayaa inuu labada gole iyo shacabka uga waramo natiijada kulankii uu Addis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.


Kulankaas oo ay shacabku su’aalo badan iska weydiinayaan ayaa waxa ay shacabku madaxweyne Biixi ka sugayaan inuu si mug leh uga waramo, sidoo kalena uu ka jawaabo dhawaaqii uu Madaxweynaha Soomaaliya kulankaas ka dib ku sheegay inuu cudur daar ka bixinayo xasuuqii shacabka Somaliland ay u gaysatay dawladii Maxamed Siyaad Barre.


Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo la sugayaa inuu khudbadiisan kaga hadlo qaddiyaga guddiga doorashooyinka oo xiisad siyaasadeed dalka ka buurtay, islamarkaana ay ka baxeen labadii xubnood ee mucaaradka u metelayay.


Madaxweyne Biixi ayaa laga yaabaa inuu sidoo kale khudbadiisan kaga hadlo waxyaabihii ay xukuumadiisu qabatay.


Xisbiyada mucaaradka ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu shacabka u soo bandhigo midhaha ka soo baxay kulankaas uu Farmaajo la yeeshay iyo qodobadii ay ka wada hadleen.

Loading...
Loading...