Faalo:- 30 Sanadood Oo Ay Jirtay Somaliland Maxaa Ka Khaldan .

0
Monday February 17, 2020 - 17:12:08 in News by
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faalo:- 30 Sanadood Oo Ay Jirtay Somaliland Maxaa Ka Khaldan .

    Faalo:- 30 Sanadood Oo Ay Jirtay Somaliland Maxaa Ka Khaldan .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faalo:- 30 Sanadood Oo Ay Jirtay Somaliland Maxaa Ka Khaldan .

 


Hargeysa(HWN):-Aduunka aaladaha socda oo dhan waxaa u sal-dhig ah Gaasta madow ee badiyaa lagga soo saaro wadamada khaliijka , gaastaas ayaana laggu shiidaalayaa xadaarada aduunka oo dhaqaajisa , sidaas oo kale , aaladaha hadii saliidu dhaqaajiso , binu'aadamka iyo arrimihiisana waxaa dhaqaajiya aqoonta iyo aragtiyaha kaso maaxda maskaxda marka la tuujiiyo .

Sidaa markay tahay , Somaliland 7 sanadood ee ugu horaysay cimrigeeda waxay xoog u tuujisay maskaxdeeda , waxaanay is waafajisay aqoontii dabiiciga ahayd ee dadka iyo duruustii iskuulada , iyadoo adeegsatay khuburo isku dhafan oo wax badan lagga faaiday .

Prof caalin , Xaaji C/Waraabe , Shekh cali jawhar iyo qaar kale oo badani waxay ka mid ahaayeen khubaradii hindistay , Dib u heshiisiinta , dib u dhiska iyo yagleelka wadankan weli koritaanka ku jirra .

Hadaba mudadaa ka dib waxay u muuqataa in Somaliland labba dhinacba gaabis kaga jiro .

1- Casriyaynta wixii horre u jiray .

2- Curinta waxyaabo cusub .

Sababutuna waxay tahay , haayadaha dhismay ee jirra oo awood u yeelan waayay keenista curin cusub iyo casriyeynta wixii horre , dhinaca kalena isku gudbay in cid kale keento xalal macquula .

Tusaale , jaangoynta siyaaadeed ee wadanku waaggii horre waxay u dhex ahayd dadka oo dhan , markii wax adkaadaana dadka oo dhan ayaa shir isugu iman jirey , hadeerse waxaa gaar u yeeshay Haayadda loo yaqaano Axsaabta siyaaasadda , axsaabtina waxay noqotay kuwo aan awood u lahayn in ay curin iyo cusboonaysiin midna keenaan .

Sidaa darteed waxaa muhiima in indheer garadku maskaxda tuujiyo oo xooga la saaro cilmi baadhis iyo raadin aqooneed , lana abuuro nidaam haayadaha iyo indheer garadka madaxabanaani isku kaashan karaan , kuna kala faaidaysan karaan .



Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...