Hogaamiyaha Mucaaridka Konfurta Sudan Oo Ku Gacan-saydhay Hindisihii Nabada Ee Madaxwayne Kiir.

0
Sunday February 16, 2020 - 20:06:13 in News by
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Mucaaridka Konfurta Sudan Oo Ku Gacan-saydhay Hindisihii Nabada Ee Madaxwayne Kiir.

    Hogaamiyaha Mucaaridka Koonfurta Sudan Oo Ku Gacan-saydhay Hindisihii Nabada Ee Madaxwayne Kiir uu shalay Shaaciyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Mucaaridka Koonfurta Sudan Oo Ku Gacan-saydhay Hindisihii Nabada Ee Madaxwayne Kiir uu shalay Shaaciyay.

Hogaamiyaha Mucaaradka Suudaan Riek Machar ayaa diiday dalab nabadeed oo uu soo bandhigay Madaxweyne Salva Kiir, kaas oo ay kujiraan qorshayaal lagu dhimayo tirada maamul-goboleedyada uu yeelanayo dalkaasi oo ay ku jirto in la soo kordhiyo sedex maamul oo dheeraad ah oo dalkaas laga dhiso.

Kiir ayaa Sabtidii sheegay in wadanku hada loo qeybin doono 10-kii maamul goboleed ee asalaka ahaa ee ay mucaaridku codsadeen – oo lagu daro seddex ‘ismaamul magaalo oo noqonaya Pibor, Ruweng iyo Abyei oo ah caasimadaha sedex waaxood oo uu dalkaasi u qaybsanaa.


Diidmada hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar, ayaa lagu shaaciyay war qoraal ah oo uu mucaaridku soo saaray, waxana lagu sheegay in uu Madaxwayne Kiir burburiyey rajadii laga qabay xabad joojin iyo in la soo afjaro dagaalo lix sano socday oo sahayday ugu yaraan 380,000 oo qof oo reer koonfurta Sudan ah.

In kasta oo Machar uu sheegay inuu ka mahadcelinayo go’aanka dawladda ee ah "in dib loogu noqdo tobanka gobol”, wuxuu muujiyey sida uu uga niyadjabsan yahay abuuritaanka saddexda ismaamul ee uu madaxwaynahu qorshaha ku daray in la soo kordhiyo.

"Abuuritaanka 3dan ismaamul-magaalo waxa ay horseedi doonaan xiisad cusub oo dalku galo, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Madaxweyne Kiir inuu dib uga fiirsado fikirka ah abuuritaanka ismaamul magaaleedka maamulka,” ayuu raaciyay.

Kiir iyo Machar ayaa waxaa saaran cadaadis caalami ah oo sii kordhaya, khasabna kaga dhigaya in ay khilaafaadkooda soo afjaraa inta ka horaysa 22-ka Febraayo.
Loading...
Loading...