Xog Cusub Oo Ka Soo Baxday Go'aan Ay Somaliland Ka Gaadhay Safarkii Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Iman Lahaa Hargeysa

0
Sunday February 16, 2020 - 18:02:47 in News by
  • Visits: 7162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xog Cusub Oo Ka Soo Baxday Go'aan Ay Somaliland Ka Gaadhay Safarkii Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Iman Lahaa Hargeysa

    Xog Cusub Oo Ka Soo Baxday Go'aan Ay Somaliland Ka Gaadhay Safarkii Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Iman Lahaa Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog Cusub Oo Ka Soo Baxday Go'aan Ay Somaliland Ka Gaadhay Safarkii Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Iman Lahaa Hargeysa


Xukuumadda Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, Taas oo ay ku muujisay in aanay Ogolayn in uu Madaxweyne Farmaajo yimaado Caasimadda Somaliland ee Hargeisa.


Warqaddaasi ayaa Nuxur ahaan loogu sheegay Ra'iisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy ahmed, in aanay Somaliland diyaar u hayn in ay Hargeisa kusoo dhawayso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. sida ay ii Xaqiijiyeen Ilo wareedyo Muhiim ah oo aad lagu kalsoon yahay.


Warqadaas xambaarsan mawqifka diidmada ah ee xukuumadda Somaliland, ayaa maanta la gaadhsiiyay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Ethiopia.


Ila wareedyada, ayaa sidoo kale ii sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, usbuucan gudihiisa Baarlamaanka la hadli doono faahfaahina ka bixin doono kulamadii uu madaxda Kula Yeeshay Magaalada Addis Ababa iyo dhamaalkan uu ethiopia u diray ee uu kaga hortagayo imaatinka madaxwaynaha Soomaaliya.


Dhinaca kale wasiir ku xigeenka arimaha arimaha dibada somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa fariin uu ku qoray bartiisa Twitterka waxa uu ku sheegay inay xukuumadu ganafka ku dhufatay qorshihii uu Farmaajo ku iman lahaa caasimada Hargeysa.

Image may contain: 1 person, smiling, sky, possible text that says 'Minister Liban Yousuf Osman @DeputyLiban #Farmaajo's Visit to The Rep of #Somaliland is absolutely a day Dream & Mission impossible!! The Gov of SL stands for the protection of its Sovernity & territorial integrity at all cost. Thanks to My fellow S.landers who always Remain vigilant And patriotic'

Loading...
Loading...