Maxaa Cusub!....W/Q Axmed Bile

0
Sunday February 16, 2020 - 15:47:56 in Articles by
  • Visits: 1207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Cusub!....W/Q Axmed Bile

    Maxaa Cusub!....W/Q Axmed Bile

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Cusub!....W/Q Axmed Bile


Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu kulan isugu yeedhay xubno ka mida Gollaha wasiiradda iyo shir-guddoonka Baarlamaanka Somaliland, waxa hadalka Furay wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland wasiir Faratoon, wuxuu sheegay in Maalinka Sabtida soo socota sida Qorshuhu yahay hargeisa kasoo degi doonaan Raysalwasaaraha Ethiopia Abiye Ahmed iyo Madaxweyne Farmaajo sidaas na ay u ogaadaan.




Intaas ka dib Madaxweyne Muuse ayaa hadlay wuxuu soo jeediyey inay ka talo bixiyaan hawshan....... waxa u jawaabay Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Saleebaan Maxamuud aadan isagoo sheegay in waxa wasiir ku meesha ka sheegay yahay wax aan Caruurta xitaa loo sheegi karin, mar kale Biixi ayaa hadalka soo galay oo yidhi Wakhti ma haysano jawaab na waa la innaga sugayaa Guddoomiyaha Guurtida ayaa u jawaabay oo yidhi u dir Warqad Abiye oo ku dheh Shacabkaygii ayaa i diiday oo igu kacaya....... madaxweyne Biixi ayaa kusoo celiyey inay Talo keenaan isla Guddoomiye Saleebaan ayaa ugu jawaabay Hadda ba kaalay Baarlamaanka oo ka hor sheeg arinka..... waa na lagu kala kacay Goobtii.


Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya Madaxweynihii u horeeyey ee Booqda hargeisa ka dib Maxamed Siyaad Barre.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...