Xogo Qarsoon Oo Muuse Biixi Addis Kula Gaadhay Madaxweyne Farmaajo Oo La Fashiliyey

0
Sunday February 16, 2020 - 15:37:40 in News by
  • Visits: 6832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo Qarsoon Oo Muuse Biixi Addis Kula Gaadhay Madaxweyne Farmaajo Oo La Fashiliyey

    Xogo Qarsoon Oo Muuse Biixi Addis Kula Gaadhay Madaxweyne Farmaajo Oo La Fashiliyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogo Qarsoon Oo Muuse Biixi Addis Kula Gaadhay Madaxweyne Farmaajo Oo La Fashiliyey


Kulankii Itoobiya waxa uu qayb ka ahaa qorshe Maraykan wado, Itoobiyana ay fulinayso oo lagu kaabayo dhismaha Soomaaliya iyo Somaliland.

Image result for farmaajo iyo muuse biixi


Sawladda Soomaaliya waxa lagala shaqaynayaa sidii wax looga qaban lahaa, waxna looga beddeli lahaa nidaamka federaalka oo qaabka uu imika u shaqeeyo lagu macneeyay mid caqabad ku ah in dawladda dhexe awooddeedu shaqayso.


Tallaabada koowaad ee qorshahan ayaa ah in lagu qanciyo madaxda maamul goboleedyada ay dawladda dhexe ismaandhaafsanyihiinin ay u hoggaansamaan awaamiirta iyo siyaasadda dawladda dhexe.


Haddii taas lagu guul daraysto waxa xigta In taageero dhaqaale iyo mid dhisme ciidan ahba dawladda Soomaaliya lala garab istaago si meesha looga saaro madaxda maamul goboleedyada qaarkood looguna beddelo kuwo gacanta lagu haynkaro.


Qorshahan ayaa dhanka Somaliland waxa laga caawindoonaa Laguna garab istaagidoonaa in ay xuduudeheeda dhamaan gaadho kana taliso maamul ahaan.


Si arrintan aan wax muran ah uga iman waxa madaxda Soomaaliya lagu qanciyay in habayaraatee aanay wax faro-galin ah ka samayn gudaha Somaliland maaddaama taas beddelkeeda lala dhisayo dawladnimo ay taladeeda faraha ku wada hayaan oo aan maamul-goboleed awood badani caqabad ku noqon.


Waa qorshayaal labada madaxweyne Biixi iyo Farmaajo midba si dan uga dhex arkay fulintiisuna bilaabantay.


Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ayaa qorshahan isna garab socon doona.


In Somaliland iyo Soomaaliya laga dhiso nidaamyo dawladeed oo ammaankoodu sugan yahay, kaddibna arrinka u dhexeeya wadahadal lagu dhameeyo waxa dabada ka riixaya dano dhaqaale iyo kuwo millateri oo kow ay ka tahay Baddacass iyo barta ay dhacdo.

Loading...
Loading...