Ex. Wasiir Kaysar Cabdilaahi Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Farmaajo Imanayo Hargaysa.

0
Sunday February 16, 2020 - 14:34:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Wasiir Kaysar Cabdilaahi Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Farmaajo Imanayo Hargaysa.

    Ex. Wasiir Keysar Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Famaajo Imanayo Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex. Wasiir Keysar Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Famaajo Imanayo Hargaysa. Madaxweynihiina ku Kalsoonaada !


Asalaamu Calaykum

Marka hore Filimaayo, Caqli-galna maaha in Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu si yar oo fudud uga soo degi doono Garoonka diyaaradaha Hargeisa isaga oo aan marka hore si cad ugu dhawaaqin inuu Aqoonsi buuxa siiyay Jamhuuyriyada Somaliland. Hadii aanuu sidaas samayn waxa uu noqonayaa Madaxweyne booqasho ku tagay Gobol ka mid ah Gobolada Soomaaliya ee uu sheegto inuu Madaxweynaha u yahay.




Madaxweyne Farmaajo ama keligii ha yimaado Hargeysa ama cid kale haku soo daba-dhuuntee waa waajib inuu marka hore ku dhawaaqo inuu Somaliland Aqoonsaday, hadii kale oo uu iska yimaado isaga oo aan Somaliland Aqoonsan waxaa halkaas ku soo Afjarmi doona guud ahaan gooni isutaagii ay Somaliland ku dhawaaqday sanadkii 1991. Duniduna waxay u arki doontaa in Madaxweyne Farmaajo uu ka taliyo Somaliland oo uu Madaxweyne u yahay.


Dabcan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland maaha mid moog waxa uu arki karo muwaadin kasta oo caqli lihi, sidoo kale maaha mid moog Qawaaniinta Somaliland u taalla ee Xaaraantimaynaysa qof Xil ka haya Soomaaliya inuu Somaliland yimaado, sidoo kale ma moogana inta goor ee uu isaga laftiisu uu ka hadlay arrimaha Soomaaliya intii aan la dooran ee uu Mucaaridka ahaa ama uu Kulmiye hogaaminayay iyo inta uu xilka Madaxweynanimo hayayba, taasi oo weliba ay dheer tahay xasaasiyada iyo dhiiggii sokeeye ee ku daatay Beelihii lagula dagaalamay inay Somaliweyn taageereen sanadkii 1994kii.


Hadaba arrimahaas iyo arrimo badan oo jira awgood iima muuqato sabab looga shakiyo in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu khatartaas u badheedhi doono oo uu sabab u noqon doono soo afjarida Madaxbanaanidii ay reer Somaliland ku naaloonayeen Sodankii Sanadood ee la soo dhaafay iyo waliba Khasaarinta Halgankii dheeraa ee dhiigga loo daadiyay ee loo soo maray Madaxbanaanida Somaliland.


Madaxweyne Muuse Biixi oo hormuud ka ahaa Halgankii SNM gaajo iyo darxumo aad u badana usoo maray in Ummadiisu ay Dawladnimo taam ah hesho, filimaayo inuu u debci doono culays kasta oo la saaro iyo cadaadis kasta oo ku yimaada oo horseed u noqda burburka Himiladii iyo Higsashadii iyo Yididiiladii Shacbiga reer Somaliland ee ahayd inay Madaxbaani buuxda gaadhaan oo ay helaan Dal u gaar ah oo ay Dunidu Aqoonsato.


Hadaba Hadii Madaxweyne Farmaajo uu Hargeysa ka soo degayo isaga oo Aqoonsaday Somaliland waa Waajib in si qurux badan loo soo dhaweeyo oo roogag cas-cas loo dhigo dariiqyada Hargeysa, haddiise uu damco inuu Hargeysa yimaado isaga oo aan Somaliland Aqoonsanayn ama kali haku yimaado ama cid kale ha soo raacee waxay ka dhigan tahay in laga laabtay oo laga noqday Madaxbanaanidii Somaliland, Farmaajona waxay u noqon doontaa oo uu ku doodi doonaa inuu yahay nin booqday gobol uu xukumo oo Soomaaliya ka mid ah.


Ugudanbayn Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa Madaxweyne Muuse Biixi inuu yahay khabiir waayo arag ah oo aan loo qarin karin laguna jujuubi karin wax liddi ku ah Masiirka Ummadiisa sidaas darteed waxaan dadweynaha usoo jeedinayaa inay ku kalsoonaadaan Hoggaankooda iyo Xukuumadooda, balse ay xoog u foojignaadaan una soo jeedaan habeen iyo maalinba sidii ay u ilaashan lahaayen Karaamadooda iyo Madaxbanaanidooda.


Hadiiba ay booqashooyin is weydaarsadeen Raiisal Wasaaraha Itoobiya Abby Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo ay booqdeen Caasimadahooda, waa laba Dal oo is aqoonsan oo ay laba Safaaradood u kala fadhiyaan labadooda Dal. Haddii uu Farmaajo Aqoonsado Somaliland Hargeysa wuu iman karaa, Muuse Biixina Xamar wuu tegi karaa, hadii kale MAYA! .


Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Arrimaha Debada Jamhuuriyada Somaliland.
[email protected]

 

Loading...
Loading...