Maayarka Laascaanood Oo Ka Warbixiyay Khasaaraha Ka Dhashay Dab Qabsaday Dooxada Ooda-gooye

0
Sunday February 16, 2020 - 11:44:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Laascaanood Oo Ka Warbixiyay Khasaaraha Ka Dhashay Dab Qabsaday Dooxada Ooda-gooye

    Hargaysa (HWN) Maayarka Degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Maayarka Degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool

Cabdicasiis Maxamed Xuseen Taarwale ayaa shaaciyey inay xalay 11kii habeenimo ku guulaysteen inay bakhtiiyaan dab qabsaday Dooxada Ooda-gooye ee bariga Laascaanood.



Maayarka Laascaanood oo u warramay Warbaahinta Dawladdu waxa uu u mahadceliyey Maamulka degmada, ka gobolka, Ciidammada Ammaanka iyo shacbiga Laascaanood oo ka qaybgalay gurmadkii lagu bakhtiiyey dab shalay iyo xalay saddex jeer ka kacay dooxada Ooda-gooye ee bariga Laascaanood.


Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale waxa uu intaas ku daray in ciidammada ammaanku ay baadhayaan sababtii uu dabku u qabsaday dooxadaas oo baaxadeedu dherer tahay 20km, waxaanu u mahadceliyey shacbiga iyo laamaha dawladda Gobolka Sool oo aan u kala hadhin damintii dabkaasi.


Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale waxa uu soo dhaweeyey isla markaana uu ku ammaanay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta inay baahinta Radio Hargeysa soo gaadhsiiyeen magaalada Laascaanood, waxaanu xusay inay kaalin weyn ka qaadatay wacyigelinta bulshada reer Laascaanood oo uu tilmaamay inay u jeellanaayeen dhegaysiga idaacadda Radio Hargeysa.

Loading...
Loading...