Masar Oo Ku Dhawaaqday Qofkii U Horreeyay Ee Qaba Coronavirus

0
Sunday February 16, 2020 - 09:05:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar Oo Ku Dhawaaqday Qofkii U Horreeyay Ee Qaba Coronavirus

    Dowladda Masar ayaa ku Dhawaaqday qofkii u Horreeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Masar ayaa ku Dhawaaqday qofkii u Horreeyay ee xanbaarsan CoronaVirus in lagu arkay dalkani Masar.


Qofka laga helay oo Ajanabi ah ayaa la karantiilay isagoo loo gudbiyay Magaalo xeebeedka Marsa Matruh oo 240km dhinaca galbeedka ka xigta magaalada Alexandra, halkaas oo ay ku sugan yihiin in ka badan 300 oo qof oo laga soo daad gureeyay dalka Shiinaha.



Dowladda Masar ayaa heegan galisay Shaqaalaha caafimaadka, waxa ayna aad u adkaysay garoomada caalamiga ah ee dalkeeda ayadoo dhigtay qalab Electronic ah oo hubinaya dadka ka soo degaya Madaarada Caalamiga ah.


Wasaaradda caafimaadka ee xukuumada Qaahira ayaa amartay dadka Masaarida iyo dadka shisheeye ee ku nool dalka Masar in ay tagaan goobaha caafimaadka hadii ay isku arkaan calaamadaha xanuunka CoronaVirus.


Hadaba, aniga Shaqsiyan waxaa ugu baaqayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee inta badan wax ka cuna maqaayadaha indho-yarta in ay ka waantoobaan in ay wax ka cunaan maqaayadaasi inta la hubinayo jiritaanka kiisas kale oo xanuunkaasi ah.

Hussein Sahnuni

Loading...
Loading...