Qofkii Ugu Horreeyay Oo U Dhintay Coronavirus Oo Yurub Laga Xaqiijiyay

0
Sunday February 16, 2020 - 08:14:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofkii Ugu Horreeyay Oo U Dhintay Coronavirus Oo Yurub Laga Xaqiijiyay

    Dalxiise Shiinees ah ayaa Faransiiska ugu dhintay caabuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalxiise Shiinees ah ayaa Faransiiska ugu dhintay caabuqa
coronavirus kaasi oo noqday qofkii ugu horreeyay oo cudurkan ugu geeriyooda meel ka baxsan Aasiya



Dalxiisaha geeriyooday ayaa waxay da'diisu ahayd 80 sano jir oo ka yimaaday gobolka Hubei ee dalkaasi Shiinaha, sida laga soo xigtay Wasiirka Caafimaadka Faransiiska Agnès Buzyn.


Waxa uu dalkaasi Faransiiska soo gaaray 16-kii Janaayo, waxaana lagu karantiilay isbitaal ku yaall magaalada Paris 25-kii isla Janaayo.


Saddex qof oo kaliya ayaa markii hore la sheegay in meel ka baxsan Shiinaha ay xanuunkan ugu geeriyoodeen waxayna dadkaasi ku dhinteen Hong-Kong, Philippines iyo Japan.


Si kastaba, 1,523 oo qof ayaa caabuqan gudaha Shiinaha ugu dhimatay, kuwaasi oo intooda badan ku noolaa gobolka Hubei oo ah meeshii ugu hooreysay ee cudurka coronavirus ka dilaacay.


Dhamaadkii bishii Janaayo Faransiiska ayaa noday dalkii ugu horreyay oo Yurub ka tirsan oo laga xaqiijiyay kisaska caabuqan. 11 qof ayaa la xaqiijiyay waxaana haatan weli isbitaalka ku jira lix qof.


Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in ninkan haatan u geriyooday xanuunka oo ku jiray isbitaalka Bichat ee waqooyiga magaalada Paris.


Balse gabdh uu dhalay ninkan ayaa waxay ka mid ahayd dadka uu xanuunka haleelay balse waxaa la sheegayaa iney xaladdeedu soo wanaagsanaaneyso.


24 dal oo ka baxsan Shiinaha ayaa cudurka laga xaqiijiyay kuwaasi oo kor u dhaafaya 500 oo kiis.

Mareykanka ayaa sheegay inuu dalka Japan u dirayo diyaarad soo daabusha muwaadiniinta Ameerikaanka ahi ee dalkaasi ku sugan.


Dhanka kale Wasaarada caafimaadka Masar iyo hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa warbixin wada jir ah oo ay soo saareen ku shaaciyey in qofkii ugu horreeyey ee qaba cudurka Coronavirus laga helay dalka oo qofkaasina yahay qof ajnabi ah oo dalka yimid.


Warbixintu waxay sheegtay in baadhitaannadii lagu sameeyey dad kale oo lagu arkay calaamadaha cudurkaas lagu ogaaday "in aanay qabin cudurka".


Qoraalkaa wada jirka ay u soo saareen wasaaradda iyo hay'addu muu cadaynin qofkaa laga helay cudurka ee ajnabiga ah jinsiyaddiisa iyo inuu lab ama dheddig yahay toona iyo sidoo kale goorta uu dalka soo galay iyo goobta uu joogay toona.


BBC


Loading...
Loading...