Kornayl Muuse Biixi Ma Siyaasiyiinta Beeshiisa Ayaa Ka Furtay Jawaabtii Uu Siin Lahaa Madaxweyne Farmaajo Iyo Faah Faahinta Kulankii Itoobiya?
Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa afka ka xidhay inuu faah faahiyo kulankii uu madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahhi Farmaajo kula yeeshay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya.
Hogaamiye Muuse Biixi ayaan ilaa hada shacabka u soo bandhigin waxyaabaha uu kala hadlay madaxweyne Farmaajo markii ay ku kulmeen Itoobiya, taas badalkeedana waxa jira dhawaaqyo kala duwan oo ka soo baxaya shacabka iyo siyaasiyiinta xisbiyada mucaaridka ah kuwaas oo dalbanaya in kornaylku faah faahin ka bixiyo wada hadalkii uu la yeeshay madaxweyne Farmaajo.
Hogaamiye Muuse Biixi ayaa markii uu ka soo laabtay safarkiisii Itoobiya si aan loo waydiin kulankii uu la qaatay madaxweyne Farmaajo waxa uu shacabka si indho sarcaad ah ugu jeediyey inuu ka qayb galo tartan ay dawlada Imaaraadku Hargeysa ugu qabanaysay dadka geella dhaqda halka madaxweyne Farmaajo uu Muqdisho ku soo bandhigay qodob ay shacabku u fasirteen inuu ka mid ahaa wada hadalkii Addis kaas oo la xidhiidhay raaligelin uu siiyey shacabka somaliland.
Sidoo kale hogaamiye Muuse Biixi waxa uu haatan u muuqdaa in siyaasiyiinta beeshiisu ay ka furteen jawaabtii uu ka bixin lahaa dhawaaqii ka soo yeedhay Madaxweyne Farmaajo iyo faah faahinta kulankii uu kula yeeshay Addis Ababa maadaama oo ay hada warbaahinta qabsadeen siyaasiyiinta beeshiisa oo saf u galay jawaabta madaxweyne Farmaajo.
Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco oo ay isku beel yihiin hogaamiye Muuse Biixi ayaa ka jawaabay dhawaaqii madaxweyne Farmaajo sidoo kale siyaasiyiinta Maxamed Xaashi Cilmi iyo Boobe Yuusuf Ducaale ayaa iska dabamaray jawaabo la moodayey in la soo faray oo ay ka bixiyeen raali gelintii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyey xasuuqii ay dawladii siyaad Bare u gaysatay shacabka somaliland.
Dhinaca kale waxa soo baxaya warar sheegaya in qoyska hogaamiye Muuse Biixi ay ku shireen madaxtooyada somaliland kuwaas oo isla qaatay inaan qasrigu ka hadal kulankii Addis Ababa isla markaana Kornaylka lagu qanciyo inuu joojiyo hadalada gole ka fuulka ah ee uu ku weeraro soomaaliya iyada oo aan ilaa hada wararku faah faahin sababta qoysku uga shireen arin taabanaysa masiirka umada somaliland.
Sidoo kale shacabka somaliland ayaa wali sugaya faah faahin uu hogaamiyahoodu ka siiyo kulankii uu madaxweyne Farmaajo kula qaatay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kuwaas oo aan wali ku qanacsanayn qorshaha keenay inuu afka ka xidho.