Farmaajo raali-galin muu bixine tiiq tiiqsi ayaa ka muuqday!..W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil

0
Saturday February 15, 2020 - 17:22:58 in Articles by
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo raali-galin muu bixine tiiq tiiqsi ayaa ka muuqday!..W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil

    Farmaajo raali-galin muu bixine tiiq tiiqsi ayaa ka muuqday!..W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo raali-galin muu bixine tiiq tiiqsi ayaa ka muuqday!..W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil


Farmaajo wuxu hadalkiisa udhignaa Somaliland waa la xasuuqay iyaduna waxbay xasuuqdey ee aynu kala raali ahaano.

Image may contain: 1 person, smiling, sunglasses


Gefka iyo xasuuqa Somaliland ay ka dhaxashay midnimadii dhicisowdey , ma noqon doono wax raali ahaada ku bogsanaya.


Waa taariikh fool xun oo taariikhda Somalida aan hore usoo marin oo ay gaysteen taliskii Siyaad barre hogaaminyay , cafiskiisuna ma noqon doono hadal Tv la Isu soo mariyo , wuxuuse noqon doona mid laga garaabo, masuuliyadiisana cid loo xambaariyo , taliskii Siyaad barre ee dhibaatadan gaystayna dadkii majaraha u hayay iyo intii u adeegaysayna la maxkamadeeyo taariikhda Soomalidana baal madaw laga galiyo .


Ugu dambayna mag-dhowna laga siiyo umadda Somaliland ee xasuuqaasi ku dhacay, Laguna gunaanado in shacabka Somaliland.


Cod laga qaado go'aankaa shacbiguna noqdo ka goynaya in Somalia iyo Somaliland midoobaan ama kala tagaan.

Waxan qabaa inay tahay sida qudha ee lagu kala bogsanyo. Intaa wixii ka soo hadhaa waa dhalanteed!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...