Budh-cad Ay Taageerto Iran Oo Jabsatay Xogta Jaamacadaha Reer Galbeedka.

0
Saturday February 15, 2020 - 17:13:20 in News by
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Budh-cad Ay Taageerto Iran Oo Jabsatay Xogta Jaamacadaha Reer Galbeedka.

    Budh-cad Ay Taageerto Iran Oo Jabsatay Xogta Jaamacadaha Reer Galbeedka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Budh-cad Ay Taageerto Iran Oo Jabsatay Xogta Jaamacadaha Reer Galbeedka.

Koox Budh-cada internetka ah oo taageero ka haysata dowlada Iiraan ayaa bartilmaameedsaday jaamacadaha ku yaal qaaradaha Yurub, Mareykanka iyo Australia bilihii la soo dhaafay.

Ma cadda in iskudayadaas lagu jabinayay xogta kumbuyuutarrada reer galbeedka oo ay ugu sii daran yihiin sedex jaamacadood oo Holland ku yaal in uu guulaystay iyo in kale.

Budhcadan ayaa la sheegay inay isku dayayeen inay xadaan casharo la diyaariyay iyo dood cilmiyeedyo ay leeyihiin jaamacadaha reer galbeedku si aqoontaas loogu isticmaal jamacadaha Iran, sida ay sheegtay hayad lagu magacaabo NOS, oo tixraacaysa khabiir dhinaca amniga internetka ah oo la yidhaa Coopers Gerwin Naber.


Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Netherlands iyo Iran ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay markii dawlada Dutch-ka ay ku eedeeysay Tehran inay qayb ka ahayd tiraba laba dil-siyaasadeed oo ka dhacay Holland, dhacdadaas oo sababtay in cunaqabateyn cusub uu Midowga Yurub ku soo rogo Tehraan sanadkii hore.

Tehran ayaa beenisay inay ku lug lahayd toogashadaas lala beegsaday iiraanada ku dhaqan Netherlands.
Rauters
Xafiiska Hadhwanaag Boorama
Loading...
Loading...