Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyey Sharci Saamaynaya Baraha Bulshada

0
Saturday February 15, 2020 - 16:39:03 in News by
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyey Sharci Saamaynaya Baraha Bulshada

    Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyey Sharci Saamaynaya Baraha Bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyey Sharci Saamaynaya Baraha Bulshada


Addis Ababa(HWN):-Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay sharci dhigaya in ciqaab adag la dul-dhigi doono dadka ku kaca hadallada naceybka iyo maran-habaabinta ku saleysan.




Ku dhawaad 300 oo mudane oo ka tirsan baarlamaanka Itoobiya ayaa ogolaatay qaanuunkaan, 23 xildhibaan ayaa diidday, halka laba kale ay ka aamustay.


Baarlamaanka ayaa isku raacay in qofkii lagu helo hadallada naceybka ku saleysan iyo wararka been-abuurka ah, uu muteysan doono ganaax lacageed oo gaadhaya $3,100 iyo xabsi laba sano ah.


Baarlamaanka ayaa ku qeexay hadallada naceybka ku saleysan in noqon karaan, hadallada cunsuriyadda ah ee lagula kaco koox, iyadoo wax laga sheegayo halka ay kasoo jeedaan, jinsiyaddooda, diintooda ama iin ay leeyihiin.


Arrintaan ayay dowladda uga hortageysaa rabshadaha ku saleysan isirka ee kusoo noqnoqday dalka Itoobiya sannadihii dhawaa. Qaanuunkaan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka Itoobiya lagu wado in bisha August ee sannadkan ay ka dhacaan doorashooyin taariikhi ah

Loading...
Loading...