Nuxurka Codsi Ay Dawlada Soomaaliya U Diray Dhigeeda Kenya

0
Saturday February 15, 2020 - 16:21:08 in News by
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Codsi Ay Dawlada Soomaaliya U Diray Dhigeeda Kenya

    Nuxurka Codsi Ay Dawlada Soomaaliya U Diray Dhigeeda Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Codsi Ay Dawlada Soomaaliya U Diray Dhigeeda Kenya


Muqdisho(HWN):-Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa ka hadlay baxsashadii Wasiirka amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo hada abaabul dagaal kawada gobolka Gedo.

Image result for somaliya iyo kenya


Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga Soomaaliya in guddi baaritaano ku sameeya loo saaray baxsashadii C/rashiid Janan oo ka baxsaday xabsi gaar ah oo Muqdisho kaga xirnaa kadibna doon ku gaaray magaalada Kismaayo.


Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa meesha ka saaray suurto galnimada in saraakiil iyo xubno katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ku lug lahaayeen baxsashadii Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan .


Mr Ducaale ayaa sheegay in Janan uu ku sugan yahay Mandheera iyo Balad Xaawo , waxa uuna ka codsaday dowlada Kenya in ay soo qabato C/rashiid Janan una soo gacan galiso dowlada federaalka.


Wasiirka Amniga ayaa ugu baaqay dowlada Kenya in ay ilaaliyaan darisnimada iyo xiriirka wanagasan ee kala dhaxeeya Soomaaliya, waxa uuna uga digay in ay hooy u noqdaan maxbuus dowlada ka baxsaday.


Dowlada Soomaaliya ayaa horey dowlada Kenya uga codsatay in ay usoo gacan galiso C/rashiid Janan oo dalkeeda ku sugan, waxa ayna dowlada Soomaaliya jartay waaran lagu soo xiri karo C/rashiid Janan oo hada abaabul dagaal kawada gobolka Gedo.

Loading...
Loading...