Olole Loogu Jiro In Al Bashiir Lagu Maxkamadeeyo Gudaha Sudan Oo Xoogaystay.

0
Saturday February 15, 2020 - 13:37:41 in News by
  • Visits: 1405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olole Loogu Jiro In Al Bashiir Lagu Maxkamadeeyo Gudaha Sudan Oo Xoogaystay.

    Olole Loogu Jiro In Al Bashiir Lagu Maxkamadeeyo Gudaha Sudan Oo Xoogaystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Olole Loogu Jiro In Al Bashiir Lagu Maxkamadeeyo Gudaha Sudan Oo Xoogaystay.

Waxa sii xoogaysanaya olole ay wadaan koox sharciyahano iyo ilaaliyayaasha xuquuqda aadamaha iskujira kuwaas oo dabada kariixiya sidii Madaxwaynahii hore ee Sudan Cumar Al Bashiir loogu maxkamadayn lahaa gudaha Sudan.

Kooxda ololahan wada ayaa aaminsan in sida dhacday marar hore xeerarka caalamiga ahna ay jidaynayaan dhageysiga dacwadda loo heysto x-madaxweyne Al Bashiir lagu qaban karo gudaha Sudan halkii laga gayn lahaa xarunta maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee The Hague”


Sidoo kale qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha dalka Sudan ayaa iyaguna aaminsan fikir la mid ah kan kooxdan hore, waxana ay ku doodayaan in ay suura-gal tahay in dacwad-oogayaasha iyo garsoorayaasha ICC eedacwada Al Bashiir ku soo oogaya ay iman karaan Sudan taasna ay lamicno tahay in dacwadda Al Bashiir lagu qaban karo Sudan Gudaheeda. Sida laga soo xigtay Mausi Segun oo ka tirsan ha’yadda Human Rights Watch.

Madaxwayne cumar Al Bashiir oo milatariga Sudan uu ku qasbay in uu xilka ka dago kadib bilo ay mudaharaado ka dhan ah maamulkiisu ka socdeen Sudan ayaa meel walba oo dacwada kiiskiisa lagu qabtaba wajahaya eedo la xidhiidha gabood falo xuquuqda aadamaha ah oo uu ka masuul ahaa oo ka dhacay Daafuur.
Bbc English
Xafiiska Hadhwanaag ee Borama
Loading...
Loading...