'' Isu Miisaamidda Siyaasadda ''. W/Q, Ahmed Nour Guruje

0
Saturday February 15, 2020 - 08:54:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Isu Miisaamidda Siyaasadda ''. W/Q, Ahmed Nour Guruje

    Aragtidda loo yaqaano isu dheeli tirka siyaasadeedu wuxuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aragtidda loo yaqaano isu dheeli tirka siyaasadeedu wuxuu
dib ugu noqonayaa cahdigii Giriiga iyo Beershiyanka , waxaanu sii kobcay waqtigii dhexe ee Roomanka hasa yeeshee wuxuu qaan-gaadhay Qarnigii 17aad , waxaana gardaadidisay mucaahadadii ay gaadheen Dawladihii reer yurub ee loo yaqaanay Peace of Westphalia .


Mucaahadadii Peace of Westphalia .

Ka dib markii Yurub 80 sanadood oo xidhiidha dagaal ka dhex socday Jarmalka iyo Holand , 30 sanadoodna Jarmalka iyo dawladaha Swedan iyo kuwo kale ayay Yurub saxeexday heshiiskaas laggu soo afjaray dagaalkaa mudada dheer socday oo ay ku dhinteen Malaayiin qof .



Mucaahadadaas ayaana reer yurub wadada ugu jeexeen mabaadida dawladahu hadeer ku dhisan yihiin oo mabda'ana ka mid yahay .


Hadaba Mabda'an khuburadda culuunta siyaasaddu ku xeesha dheeri waxay ku qeexaan dabeecadiisa labadan qodob .


1- Isu dheeli tirka siyaasadda waxaa sal-dhig u ah is dhaliilid iyo is barbar dhig , isu dheelitir siyaasadeedna ma jirro is dhaliilid la'aan .


2- Isu dheeli tirka siyaasada iyo awooduhu waxay keenaan in aan cidi soo rogin aragtideeda oo qudha , dadkuna helaan aragtiyo ay kala dooran karaan .


Sidaa markay tahay , Somaliland waxay qaadatay nidaamka xisbiyada badan , kaasoo ujeedada ay u qaadatay uu yahay in la hello isu dheeli tir siyaaasadeed oo xaqiijiya helitaanka mabaadi siyaasadeed oo la kala doorto .


Hasa yeeshee waxaad moodaa in axsaabtii siyaasadeed ee fursadaa haysatay ay gabeen kaalintoodii oo ay ka gaabiyeen curinta iyo falkinta siyaasaddo la loolama kuwa xukuumadda iyo xisbigeedda muxaafidka ah .


Sababtoo ah macnaha muxaafidnimadu waxa weeye difaaca sida hada ay wax yihiin , halka mucaaridaduna ka tahay sheegista sida ay jeclaan lahaayeen in ay wax noqdaan .


Waxaanay ahayd in axsaabtu ku sameeyaan naqdi siyaasada arrimaha dibeda ee xukuumadda , soona qadimaaan siyaasadooda arrimaha dabada si is barbar dhig loogu sameeyo.


Si kastaba ahaatee , waxaa muuqata in aanay axsaabtu fursadaa ka faaidaysanin dalkana uga faaidaynin

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...