Waa Maxay Nuxurka Guud Ama Macnaha, "Waxna Ma Qoraan, Waxna Ma Akhriyaan!"

0
Saturday February 15, 2020 - 08:41:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Nuxurka Guud Ama Macnaha, "Waxna Ma Qoraan, Waxna Ma Akhriyaan!"

    Macnaha is huwan ee ay ka wada turjumayso Aarahdan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macnaha is huwan ee ay ka wada turjumayso Aarahdan  is huwan oo Bulshada Somalidu Badankoodu Si gurucan u fahamsan yihiin, Fahamka khaldan ee ay ka haystaana waxa ka midda, Macnaha lafdi ahaan (Waxna ma qoraan Waxna ma akhriyaan)?
Marka la soo qaato Bulsho aan haba yaraate aan lahayn Akhris- Qoraal(Akhriskeedi)قراءة  fartu doono haku qornaadee, Sidoo kalana lahayn Macno-qoraal(Qoris)الكتابة fartu doono haku qornaadee ayay ahayd macnaha dadku isla qaateen laakiin taas badalkeedu maaha oo Aarah micnaheedu isla badalay qarniba qariniguu ka danbeeyay.



Macnaha rasmiga ah waxa uu noqonaya hadaan tusaale ku sheego Si fahamkeedu inoogu fududaado;

Cabdi waa arday ku bartay dugsigiisi Hoose, Dhexe, Sare ilaa heer Jamacadeed luuqadaha Carabiga, Somaliga iyo Ingriisida, Sidaas darteed tilmaanta aynu u aqoonsanyno Cabdi waxa ay noqonaysa "Aqoonyahan" متعلم Laakiin Su'aasha halka ku jirta Waxan ku soo koobaya Cabdi Imisa buug ayuu usbuucii akhriyaa? Iyo sido kale ma sameeyaa qoraalo Cilmi ku dhisan oo Bulshadiisa wax ku baro ama ugu gudbiyo?


Dulucda ahmiyada aan uga gol-leeyahay hadan taabto; tusaale labaadna aan usoo qaato bulshada Somalida, Aqoonyahanka Somaliyeed ma yihiin dad akhriya Kutub Kala duwan(Literature) oo aan kaliya ahayn dad akhriya kaliya wixi ku saabsan kuuliyada uu bartay ama baranaya sido ama aan haba yaraate Fahamka qoraal ugaba faa'iidaysan Akhris!


Aqoonyahanka Somaliyeed ee akhriska iyo qoraalada Kala duwan ba gabay,  waa sababta aanay ugu dhiiran Karin inu ka Jawaabo Su'aalaha Caamka ah ama Cilmiga Guud oo kaliya ay isku dayaan inuu ka Jawaabo wuxu bartay ama takhsuuskeeda leeyahay!


Markan soo qaato Bulshooyinka kale sida reer Yurub oo aad inooga duwan,  Kala duwanaanshaha oo ah shakhsiga reer Yurub aqoon kasta oo bartay hadana wakhtigiisa firaaqada ah u adeegsada Akhriska Buugaagta,  Ugu yaraana akhriya Usbuucii Laba buug iyo wixi la midda ama Cilmi-Baadhis sameeya ay wax ku qoraan hadhow Cilmi lagu baro Bulshooyinka aduunka noqda.


Ugu danbeyn,  Bulsho Waxna ma Akhrido mana qorto maaha wakhtiyadii Casrul Jahliga ee aanay jirin far la isla fahmo ama akhris la isla fahmo.


Inkasta lagu jiro Qarnigii 21aad Umad kastaana yeelatay Luuqad kasta oo ay ku hadlaan fartoodii, laakiin bulshada Somalidu uma muuqato mid Aqoonyahankeedu mid ka faa'iideysanaya Akhriska iyo qorista.


Laakin Bulshada Somalida, wax Akhriska iyo Qorista waxay ku badasheen isticmaalka; Baraha Bulshada, Daawashada Muuqaal baahiyaha, Dhagaysiga Dhawaaq tabiyaha Siyaasad uun tabiya, Daawashada Taswiirta, iyo Hadalka(Fadhi kudirir)

Cawaaqibka Ka dhalan Karaana ay noqon karto in Somalidu Qorin ama Akhris Taariikh ay leedahay, · فالشعوب التي لا تاريخ لها لا وجود لها،

Qoraa;  Dr. Daha Mohamed Ali  

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...