Kornayl Muuse Biixi Oo Safar Bilaa Ajande Ah Ku Jooga Addis Ababa Iyo Faddeexadii Ka Raacday Kulankii Uu Dalbadday Ee Farmaajo

0
Tuesday February 11, 2020 - 08:42:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 8945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kornayl Muuse Biixi Oo Safar Bilaa Ajande Ah Ku Jooga Addis Ababa Iyo Faddeexadii Ka Raacday Kulankii Uu Dalbadday Ee Farmaajo

    Hargeisa(HWN):-Hoggaamiyaha Somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii shalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Hoggaamiyaha Somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii shalay
waxa uu safar ugu kicitay Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis ababa, halkaasoo uu ku suggan yahay Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.



Safarka hoggaamiyaha Somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi ayaa ujeedadiisu tahay sidii uu kulan ula qaaddan lahaa Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo), oo culays badan oo siyaasaddeed ku haya Somaliland, iyaddoo ay Somaliland-na ay tirsanayso in albaabkasta ay ka soo xidhay dawladda federaalka Soomaaliya.


Kornayl Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo markii uu fuullay Xukunka Somaliland waxa uu ku dhacay go'ddoon siyaasaddeed iyo mid dhaqaale, waxaanna xidhiidhka u jaray dawladdihii iyo Hay'addihii gargaarka ee Xukuumaddihii hore ee Somaliland la macaamili jireen, waxaannay Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi ay wayday saaxiibbo tiro badan oo adduunka uga olalayn jirey inay Somaliland xidhiidho caalamiya yeelato, isla markaanna ay qaddiyadda madax-bannaanideedda taageero caalamiya u hesho, taasoo loo aanaynaayo innuu sabab u yahay Kornaylka Madaxa adag  ee taladda Somaliland gacanta ku haya, kaasoo aan garanayn galaangalka iyo xidhiidhka ay Xukuumaddihii ka horreeyay la lahaayeen dawladdaha Africa iyo kuwa adduunka kaleba.


Wararka aannu ka helayno magaaladda Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaamo uu diidday kulan uu ka codsadday hoggaamiyaha Somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi, halkaasoo ay fool-xumo iyo waji-gabax kala kulmeen Weftigii uu hoggaaminnaayay Kornayl Muuse Biixi.


Si kastaba ha ahaatee, Safarka uu kornayl Muuse Biixi ku tagay dalka Ethiopia ayaa u muuqda mid bilaa Ajande ah, isla markaanna uu ka muuqdo jaah-wareer siyaasaddeed oo isku dhex qasan, waxaanna soo ifbaxaya faddeexaddo siyaasaddeed oo Weftigaas Kornayl Muuse Biixi ka qabsadday magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.


Abdiqani Abdillaahi Ahmed (Asporo)

Hadhwanaagnews,Office

Kampalla, Uganda

Loading...
Loading...