Wasiirka Cusub Ee Gashaan-Dhiga Oo fariin U Diray Maamulka Puntland

0
Sunday March 31, 2019 - 14:46:50 in News by
  • Visits: 3792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cusub Ee Gashaan-Dhiga Oo fariin U Diray Maamulka Puntland

    Wasiirka Cusub Ee Gashaan-Dhiga Oo fariin U Diray Maamulka Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Cusub Ee Gashaan-Dhiga Oo fariin U Diray Maamulka Puntland



Hargaysa(HWN)Wasiirka Cusub ee wasaarada gashaan-dhiga Somaliland Cabdi Qani Maxamuud Cateeye(Fariid) ayaa tilmaamay in xadka somaliland cidii ku Soo Xad-Gudubta ay wajihi doonaan Talaabo Adag.



Wasiir Caateeye ayaa sheegay inaanay somaliland marna waxba ka dhaxayn maamulka putland balse ay xaqiijinayaa sugida xuduudooda,waxaana uu yidhi.


"Puntland waxba nagama dhaxeeyaan Hadaanu nahay somaliland,waxaana kaliya ee naga dhaxeeya weeyaan xadkaas noo dhaxayn jiray hadaanu nahay somaliland iyo somaliya xadka noo dhaxeeya ayaanu anagu markasta ilaashanaynaa,putland waa maamul goboleed oo somaliland waxa la garab dhigi karo maaha.


Wasiirka Cusub ee wasaarada gashaan-dhigga oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.”puntland waxa ay hoos tagtaa jamhuuriyadda somaliya lakiin xadkayaga hadii cidi caaradeed lagu soo xad-gubo wixii sharcigu dhigayo ayaa laga yeelayaa…Sidaas ayaa uu yidhi wasiir Cateeye oo la hadlay eryal tv.


Wasiir Cabdi Qani Maxamuud Caateeye ayaa hore u ahaa wasiirkii wasaaradda cadaaladda haddana waxa loo soo badalay wasiirka wasaarada gashaan-dhiga oo laga qaatay wasiirkii hore ee hayay xilkeeda.

 


Loading...
Loading...