Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay.

0
Saturday March 30, 2019 - 19:46:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay.

    Hargaysa(HWN) Agaasimha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ee maanta la magacaabay horana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN) Agaasimha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ee maanta la magacaabay horana

u ahaa Agaasimihii Guud ee wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Jamal A. Muse ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka cusub ee Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay.

Agaasime Jamaal ayaa ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu facebook ku leeyahay ugu mahadceliyay Madaxwayne Muuse, waxaanu qoraalkaasi oo dhamaystirani uqornaa sidan:-



Ahmiyadda Xil-sidka Cusub, Muuneynta Tirsi Sannadlihii Biyaha, Waafinimada Saddexda Kalmadood iyo Dabarka Isku Haya:
Mahadnaq Iyo Gorfeyn.


Ugu horreyn, an si wayn ugu mahad celiyo Madaxweynaha Qaranka JSL mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta mar kale ii igmaday ahaanshaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL.


Saaxiibbayaal, hal fahankayga ku aaddan dhidbanaanta nidaamka xil meertada iyo guul gaadh-siinta hannaanka addeeg fidinta xil-sidka dawladnimo qaran, ayaa iigu muuqda ka hawl gudashada kolba halka mas'uuliyad iyo waajibaad shaqo Madaxweynaha Qaranku kaaga dhiibo. Sidaa darteed, waxan si halkaraannimo, wada shaqeyn iyo hal-abuurnimo ku dhisan uga hawl-gali doonaa xil-sidkan cusub ee madaxweynaha qaranku mar kale ii igmaday. Hubaashii, waxa tixgelin wayn iga mudan dhammaan bahda W. H. Biyaha JSL oo aannu muddo hal sanno ah jaal ku aheyn hawl-fulinadda Hawlaha Wasaaradda.


Sidoo kale, isku ladhnaanta horgalnimadda iyo dhidbidda hirgalka hawlaha W. H. Biyaha ayaa ah arrin koobsaneysa xus, xasuus, horumarin, waayo aragnimo iyo taariikh laf-dhabar noo wada ah. Waayo, waxaannu dhammaantayo wadaagnaa ka qayb ahaanshaha hal sannadlaha ah ee ku suntan guul-gaadhsiinta qaab-dhismeedka, gudashada waajibaadka shaqo, dejinta halbeegyada, heerbeegyada, hal nidaamyadda iyo liicista hal fulinnada Wasaaradda H. Biyaha JSL. Mar kale, waxa lama taabtaan ah cilmi ka korodhsiga Jaamacadda Biyaha "Waayaha iyo Wada shaqeynta" oo diiradda foggaan aragga ku liishaantay Hoggaaminta Horumarinta Kaabeyaasha Biyaha iyo ka kabashada xaaladda abaaraha dalka oo hadda si meerto sannadleyaal ah u taagan.


Dhinaca kale, waxa nasiib wanaag ii ah in curashada gu'ga labaad ee xil-sidkeyga Agaasimenimo guud iigu bisho noqoshada Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL. Xaqi8qdii, waa Jaamacad kale oo an ku daraaseyn doono fahanka dhuuxa, dheecaanka, laf-dhabarta, wada shaqeynta iyo hal-abuurnimada ku duugan Saddexda kalmadood iyo dabarka isku xidha magaca dheer ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka oo ah:


1. Xidhiidhka, waa kalmad ku suntan isku xidh, isku hayn, mideyn, horusocod iyo walaalnimo,
2. Goleyaasha, waa kalmad gudbineysa jiritaanka haldoornimo, xeer-beegtinimo, garnaqsi, nidaam, kala danbeyn iyo kala duwanaan mas'uuliyadeed oo haddana sharci ku wada nool.
3. Iyo, waa dabar dhextaal ah iyo Isku xidhe labo dulucood oo isku sidkan.
4. Arrimaha Dastuurka, waa kalmado si buuxda u iftiiminaya daarannaanta sarreynta Dastuurka iyo waafinimada sharciga dawladnimo.


Ugu danbeyntii, waxaan ilaahay ka rejaynayaa inuu igu sugo hufnaan iyo hoggaamin shaqo, horusocod iyo sahan gaynta hawlaha madaxweynaha qaranku igu sharfay.


Allaa Mahad leh,

Wada Shaqeyn Wacan.

Jamal A. Muse.

Ag. Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Ee Magacaaban.

Loading...
Loading...