War-saxaafadeed : Milil Dushiis Lama Dhayo.

0
Saturday March 30, 2019 - 09:37:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-saxaafadeed : Milil Dushiis Lama Dhayo.

    Bismillaahi Arramanirraxeem. Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Arramanirraxeem. Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kaas khuseeya milil dushii lama dhayo

Awr aan la dheellitirin wuu dheelliya

Cadho nin qarsady way dhaawcda

Waxaa amakaag iyo fajac nagu noqotay xaaladda dalka jamhuuriyadda somalilland ku sugantahay muwaaddiniinti dalku ka dhexeeyey oo la kala fogeeyey isna arki Karin

Waxaanu ugu baqayna shacabka reer Somaliland nimaan dhulmarini dhaayo la, waxaa ragannimo iyo dumarba ku tihiin dalkiina hooyo waxa haysataan diintiinni waxa dhex mushaaxaysaan ciiddiini waxa dareemi lahaydeen marka nin ciiddi uu dhashay jooga ku yidhaahdo ka dhaqaaq dhulkayga

Bulshawaliba marka dalkooda aamminaan ayey wax noqdaan lana tix geliya beelaha reer Somaliland waa beelo dal wada leh oo walaalo ah .

Talo soo jeedin

In hooggaan dalku aan aahkiradisa ka fikiro cid kalena u habran Sharaf iyo maamuus kala tago inta uu hoggaan gacanta ku hayo.

In golaha guurtida ay ku daydaan qaabkii uu xaaji cabdul kariim (cabdi waraabe) wax u maamuli jiray eexna ka dheeraadan.

In xeerka kufsiga kaas xaalaynaya kufsiga laftiisa Meesha la saaro diintana dalka lagu soo celiyo.

Ha la colloobin qamuwaadin aad dalka wada leedihiin

Ogsoonow haddii aad dhimato adiga cid neceb in aad cadaab mutasanayso sababta oo ah maalinta isniinta iyo maalinta khamiista Allah ay nafaheennu gacantsa ku jiraan wuxuu malaa,igktiisa ka dalbada in ay camalka addoomadiisa u soo gudbiyaan si ugu dambi dhaafo qofkii cid caloosha ku haya

Dambigana logama dhaafo waxaa lagu xujeyey inta caloosha layska daynaayo haddii muddaas dhimato waxaad mutasan cadaab aduunka aakhiroba waxaa lala simay shirigga qabiilna hadalkiiba daa

Allaah aya mahad iska leh innaga dhigay dadka wanaagsan oo muslimiin ah

Deeq Cabdi Digale

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...