Xirsi Xaaji Cali Waa Nin Qaran Ee Maaha Nin Qabiil ( Abdi-Shotaly).

0
Monday January 20, 2020 - 17:17:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xirsi Xaaji Cali Waa Nin Qaran Ee Maaha Nin Qabiil ( Abdi-Shotaly).

    Somali loo taag heli-maayo, oo weligeed-ba qof aanay sinaba u gaadhayn,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somali loo taag heli-maayo, oo weligeed-ba qof aanay sinaba u gaadhayn,
bay markay ka quusato, ee ay hawaysan kari waydo, barbar iman kari waydo, oo ay cirka iyo dhulku intuu isu jiro, in ka sii badani u dhaxayso, haday tahay awood, karti, maskax, caqli, daacadnimo, dal  iyo dad jacayl-ba, xanaano uu damqanaayo ummadiisa, lexejecla-na ka qabo siddii uu ugu dar-yeeli lahaa wanaag iyo wax qabasho-ba iyo ugu dambayn aqoon intaba. Intaas oo qudha laguma soo koobi karo, haddii aynu qalinka u qaada-nana ka gayoon mayno, wakhti aad u fara badana way inagu qaada-naysaa, oo waxay noqonaysaa taxane aan dhamaan. ninka cayn-kaas ku sifoobay ( Waa Hogaamiye Xirsi Xaaji caliye), baa iyaba waa yaabe, ay qaar aan xaar-kiisa gaadhayni ay afka ku jaqaan. Waxan dhegeystay, oo aan akhriyey mareego ( websites)  ku caayaaya, oo ceeb uga dhigaaya waa " Miciinkii la colaw). taas oo micna-heedu yahay ama sirta ku duugani " wuxu ka hor yimi beeshii, maadama uu qaran ka doortay qabiil, waxay ku dhaleecay-nayaan, waar muxuu halkii beeshiisu martay ugu raaci waayey? Ee ka galay qaran, meeshu waa reero'e. Su'aashu waxa weeye, Akhristaw bal labadaasi ( waa kuwa waxaas sheegaaya Iyo mawqifka Hogaamiye Xirsi Taagan yahaye, xagee bay isaga imanayaan? Saw maaha reer nina dhisaayo, mid-na duminaayo, weliba markaas bay iyaka oo aan xaar-kiisa dul imanayn ( wax kale iska daayoo), ay afka ku jaqayaan.



Hees ay qaado fanaanadda weyn ee Khadra Daahir, baa waxa ereya-deedda ka mid ah " Guriga rara baad tidhaa, hadana roga baad tidhaahaa, hadaan reer-kuba degayn, xagaan kuu raacayaa?" Waxan uga socdaa hadaba. Haddii kii qaranimo doonaayey ceeb aanu lahayn lagu raraayo, oo uu rabo mid beel caabudaa, in uu xumaanta uu wado la walaaqdo, taas oo ah kala sooca ummadda, u kala ab-tirinta, eex qabiil, kala dhawaysiga, in yar oo ceeshta inta kale-na macaluuli disho, dan qabiil mooyee aan dan qaran ka talinayn, hadana isku deyaaya in uu isaga oo ciiro beeleed isku qarinaaya, in uu inoogu sakhiro qaranimo baan rabaa, wuxu doonayaa oo keliya in uu ka duwo dariiqa saxa ah Hogaamiye Xirsi Xaaji Cali, ee cadaaladda, sinaanta, xoriyatul-qawlka, wax wadda lahaansha u badan baxay iyo jiri-taanka Somaliland. Kuwaaasi waxay jecel yihiin in ay ku soo xero geli-yaan magaca xaafadda reer hebel-kiisa. way og yihiin wuxu yahay, mase qirayaan, waxa keliya ee lagu hays-taana, waxa weeye, waxa hayb-tiisu rabto buu baal maray. Taas baa la leeyahay ha is raacdo.


Wuxu Hogamaiye Xiirsi leeyahay " Markaan muska tiiriya-ba, maxaada meel uga gurtaan, markaan tallo meel dhigna-ba, maxaad u maroori-saan, muranka hor idiinku wacan" Waxan leeyahay " Hogamaiye Xirsi" Nin waxaas u joojiya maaha, waa nin qaran, maaha tuug iyo khaayin beenaale ah, waan illaaahy yaqaan. ma ku kaco waxa ay samayna-yaan Maxamuud Xaashi, Gaafaadhi, Geenyo Shaaximan, Raggii ma adigaa ka hadhay iyo qaar kaloo badani. In uu nin mabdda leh yahay oo isku filan, rag ah aan loo noqonayn, waad ogay-deen oo isaga oo dalka-ba xukuma buu hadh cad ka dhaqaiyey, oo uu yidhi " Tani maaha Somaliland taan doonaayey" ee dhan kale bay u socotaa. Ninkii seeska u dhigay Maamulkii Siilaanyo ( Illaah caafimaad ha siiyo'e) intii uu caafimaadlka qabay buu ahaa. Wakhtiggii uu Madax-tooyadda joogay may dhicin, Colaadda Ceel-Af-Weyn, maato dhul-keedda laga qaadaa, baloodh qudha bal ii soo sheega, oo mudaddii uu xilka hayey dad masaakiin ah laga fara maroojiyey, Dekeddii, Garoonkii Berbera, Dahabka Laga guranaayo buurta daallo iyo tuuladda Shidan iyana may jirin. Xoriyatul-qawlku wuu furnaa, Maxakamadahu way shaqaynayeen, baarlamaanku, guurtidu intuba sidan way dhaameen ( in kaste oo wax yar-yari jireen), oo reer hebel keli ah gacanta ugu may jirin. Lacagta Somaliland-tu qiimo bay lahayd, waana ay shaqaynaysay. hadaba muwaadin, Mar qudha markii uu maska halaqa ahi ( Maxauumd Beenaale) iyo Gaafaadhi shidka u galeen " Xaafad-tooyadda", ee uu oday-ggii xanuun-saday, baa wax Somaliland la yidhaaho ugu damabaysay. Ummaduna waxay candhuufta dib u liqday, kolkii ay labadda askari ee xanuunka ku riday " Maadx-weyne Siilaanyo" Ay boobeen Foodkii, qalad Eebbe ha ku ridee.

* N.B  Markaan Tallo Meel Dhigna-ba, Maxaad U Maroori-saan.
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...