Fayrus Aan La Aqoon Wax Uu Yahay Oo Kusii Fidaya China

0
Monday January 20, 2020 - 15:28:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fayrus Aan La Aqoon Wax Uu Yahay Oo Kusii Fidaya China

    Fayrus cusub oo ka dillaacay dalka China ayaa kusii baahay magaalooyin hor leh,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fayrus cusub oo ka dillaacay dalka China ayaa kusii baahay magaalooyin hor leh,

sida ay Isniinta sheegeen mas’uuliyiinta China, ayada oo saddex jibaarantay tirada dadka uu ku dhacay, islamarkaana qofkii saddexaad uu u dhintay.




Guddiga caafimaadka degmada Daxing ee magaalada caasimadda ah ee Beijing, ayaa sheegay inay xaqiijiyeen laba kiis oo cusub oo Fayruskan ah, halka guddiga caafimaadka ee gobolka Guangdong ay xaqiijiyeen hal kiis, magaalada Shenzen.


Kiisaskan ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee lagu arko meel ka baxsan magaalada bartamaha ah ee Wuhan, halkaasi oo ah meeshii ugu horreysay ee Fayruska uu ka dillaacay.


Guddiga Caafimaadka Wuhan ayaa sheegay in 136 qof oo ah kiisas dad uu ku dhacay cudurka oof-wareenka, oo uu sababay fayruskan, lagu arkay magaalada dhammaadkii toddobaadka, taasi oo dheeri ku ah 62 kiis oo horey loo ogaa.


Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in qofkii saddexaad uu Fayruskan u dhintay Sabtidii.


Tiradan ayaa ka dhigeysa guud ahaa kiisaska la xaqiijiyey ee dadka uu ku dhacay Fayruskan ee dunida oo dhan 200 oo qof, taasi oo hoosta ka xariiqeysa caqabadaha ay wajahayaan mas’uuliyiinta caafimaad ee ay kula tacaalayaan fiditaankiisa.


VOA

Loading...
Loading...