Cismaankii Calanka Badeshay. W.Q. Suxufi Maxamed Boosh !

0
Monday January 20, 2020 - 12:27:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cismaankii Calanka Badeshay. W.Q. Suxufi Maxamed Boosh !

    Cismaan Abokor Dubbad Muqdisho , ayaanu kulanay bishii December 2016 ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cismaan Abokor Dubbad Muqdisho , ayaanu kulanay bishii December 2016 ,
wakhtigaasi waxa la xulayey xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya .


Waxa uu ku hawlanaa xulida mudanayaal Baarlamaanka ka mid noqonayey , waxa aanu uu fulinayey siyaasada masuuliyiin ka tirsanaa xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo uu xidhiidh la samaynayey mar aanu ku kulanay hotel-ka Jasiira.



Waxa uu u muuqday nin danaynayey siyaasada Muqdisho, isaga oo la kulmay qaar ka mida murashixiintii xilka Madaxweynaha u tartamay 2017.

Sannadkii hore , waxa uu Muqdisho u yimi sidii xukuumada federal-ka ayey xilal uga qaban lahaa saddex xubnood oo wasiiro ka soo noqday xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo.


Isaga iyo xubnaha kale , waxa la dejiyey hotel-ka Villa Rossa oo u dhaw xarunta Madaxyooyada ee Villa Somalia, waxaana uu ahaa xidhiidhiyaha xubnahan iyo xafiiska Ra'iisalwasaare Khayre .

Maqaal aan ka qorey bishii March 2019 hawlihiisa siyaasadeed intii uu Muqdisho joogay, si weyn ayuu uga cawday waxaana uu dhalinyaro qaarkood uu macalin u ahaa u sheegay in uu joogo Addis Ababa.


Waxa uu cabasho ka muujiyey qoraalkayga isaga oo ku dooday in aanu siyaasad aan ahayn ta Somaliland aaminsanayn, laakiin isla galabnimadii maalintaa, waxa aanu si kedis ah ugu kulanay hotel-ka H ex Samiira ee degmada Hodan.


Waxa aanu soo booqanay marti ka timi Hargeysa oo hotel-ka ku soo degay aanu aqoon u lahayn aniga iyo isaguba .


Saddexda xubnood ayaa kala ahaa Xasan Daahir Dhinbiil wasiir ku xigeenkii caafimaadka , Axmed Aadan ( Kayse) wasiir ku xigeenkii arrimaha dibeda iyo Khadar Axmed Diiriye wasiiru dawlihii cadaaladda.


Xasan Daahir Dhinbiil , waxa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Canada , laakiin labadii nin ee ay saaxiibka ahaayeen weli waa xil-sugayaal.


Cismaan Abokor Dubbad maanta , ayuu kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho xisbi la yidhaahdo Hillow oo uu kaga qaybgalayo doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2021.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...