Waxaan Ahey (TAXI-siile) Laakiin Daantaa Kale Ma Tegi Karo

0
Saturday March 30, 2019 - 09:20:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan Ahey (TAXI-siile) Laakiin Daantaa Kale Ma Tegi Karo

    Waxa jira dhibaatooyin badan oo bulshada haysta , waxaana jirta dhibaatooyin aanu qofku gaysan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa jira dhibaatooyin badan oo bulshada haysta , waxaana jirta dhibaatooyin aanu qofku gaysan,
  laakiin uu naftiisa ku waayi karo , sida aargoosiga oo kale .

Waxan telefoon u diray shirkadda tagaasida , waxaan ka codsaday inay ( taxi) ii soo diraan , markuu (taxi ) siilihii ii yimi , ayaan waxaan ka codsaday inuu daanta kale igeeyo , wuxuu ii sheegay inaanu tegi karayn daantaa kale ee magaalada , laakiin wuxuu ii dalban doonaa (taxi) kale oo igeeya ,


Laakiin waxaan su'aalay , oo weydiiyay oo ku celceliyay sababta aanu u tegi karayn daanta kale ee magaalada , mar haddii uu yahay (taxi) siile ? wuxuu ii sheegay in ay jirto dhibaato aanu isagu geysan laakiin nin ay isku qolo yihiin uu geystay .

Waxaan weydiiyey bal inuu ii sii faah-faahiyo ?
Wuxuu ii sheegay in nin ay isku hayb yihiini dilay nin kale oo ah qolada daantaa kale degta ?
Arinkii aad buu iiga yaabiyay , hadana waxaan weydiiyay , arintu goorta ay dhacday ?

Wuxuu ii sheegey , inay beri hore dhacday laakiin aanay ilaa iyo iminka dhamaan , sababtoo ah qoladii ninka laga dilay weli may samrin , in kasta oo ay magtii qaateen , laakiin weli waxay ku taamaan , wallee ma ledno ilaa iyo inta aanu inan kayagii u aarayno .

Waxaan ninkii waydiiyay : miyaad wax lug ah ku lahayd arinkan ?

Wuxuu ii sheegay inaanu ogayn-ba goorta ay dhacday , qurbahana uu ku maqnaa .
Wuxuu kale oo ii sheegay in uu yahay nin gooxiisa maala , oo qoys balaadhan u xoog sada , laakiin arintan oo kale dhibaato wayn ayay ku haysaa , isaga iyo qaar kale oo la mid ahba .

Hadaba dhibaatooyinka sidan oo kale ah ee aarka ku lug leh , ee qof -aan waxba gaysan loo dilayaa ama loogaga aarayaa qof aan lug iyo raad toonna ku lahayn .

Miyaanay khalad ahayn ? Ilaa iyo goormay arimaha sidan oo kale ahi sii soconayaan ?
Waa inaynu diinta baranaa , waa inaynu dawladnimada baranaa , waa inaynu dadnimada baranaa .
Waa in qofku waxa uu geysto isaga laga jaraa , oo aan qof-kale oo aan waxba ka ogayn laga jarin , wax aanu isagu geysan

Arinkanu waa mid ka mid ah dhibaatooyinka bulshada haysta , waxaan ahay (taxi) siile laakiin daantaa kale ma tegi karaayo , ma wax caqliga galaa ? magaalada badhna waan tegi karaa , badhna ma tegi karo .
CALI MAXAMED BIIXI
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...