Muuqaalada Kaftan/Kediska ah ee (Prank). Iyo Soomaalida maxaa kala haysta!..
Sanadkii u dambeeyay ee 2019-ka guud ahaan Soomalida wax matasha
Jilaago Soomaaliyeed ee samaynaya Kaftan/Kediska Prank (Practical joker) waxa uu judhaba kuu sheegaya "Maanta waxaan samaynayaa Prank" inyar marka aad fiirsato waxa uu noqonayaa wax iska socda uun oo bilaa xiiso ah. Arrintan samaynta Kaftan/Kediska waxay u bahaan tahay qof hibo h leh matalaadda isla markaana xirfad leh oo wax xaqiiqo ah ka sameeya Prank.
iyo ku isticmaalaha Baraha bulshada (social media). Waxay bilaabeen
Barnaamijka loo yaqaano Prank oo ah "Practical Joking". Kaftan kediso ah
oo si toosa loogu samaynaayo qof aan ogayn iyadoo loo dhigayo qorshe
isla markaana laga duubaayo Camera qarsoodi ah oo aanu ruuxu dhaadanayn
markaa.
Qofka markaa samaynaya barnaamijkaas waxa loo yaqaanaa "Practical
Joker ama Prankster" waa mid la imanaya qorshe iyo Xeelad nooc kasta oo
uu kaaga cadhaysiiyo, kaaga nixiyo ama kaaga yaabiyo isagoo arrintaasi
jilaaya isla markaana ay socoto "Recording" ama duubidda muuqaalka oo
qarsoodi ah. Waa mid xiiso iyo maad badan Fal celinta kasoo noqota marka
dambe ee Barnaamijka la qabto iyadoo aadna loo daawado.
'
'
Qofka ama kooxda lagu samaynayo barnaamijka Kaftan/Kediska (Prank)
waa mid aan marnaba ogayn waxa meesha ka socda marka aynu eegno sida
xeerka u ah ee adduunka looga matalo Prank-a.
Sanadkii 2019-ka oo Soomaalidu aad u bilawday jilitaanka
Kaftan/Kediska Prank, in badan oo kamid ah barnaamijyadaas oo la matalay
waxa bilaa qiimo ka dhigay iyadoo sameeyay sida Riwaayadaha caadiga ah
ama Aflaanta kuwaasoo lasoo bandhigo sheeko iyo shax laysla ogyahay min
bilaw ilaa dhammaad. In laysla ogaado waxa la matalayo waxay meesha ka
saraysaa dhadhankii iyo xiisaha uu yeelan lahaa Kaftan/Kediska Prank.
"Ileen waaba wax laysla ogaaye siday uga soo bixi kartaa Falcelin lama
filaan ahi!"
Jilaago Soomaaliyeed ee samaynaya Kaftan/Kediska Prank (Practical joker) waxa uu judhaba kuu sheegaya "Maanta waxaan samaynayaa Prank" inyar marka aad fiirsato waxa uu noqonayaa wax iska socda uun oo bilaa xiiso ah. Arrintan samaynta Kaftan/Kediska waxay u bahaan tahay qof hibo h leh matalaadda isla markaana xirfad leh oo wax xaqiiqo ah ka sameeya Prank.
Mawliid Maxamed Siciid.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...