Guddiga KMG ah ee Sharciga doorashooyinka Soomaaliya oo kulan deg deg ah u socdo

0
Sunday January 19, 2020 - 15:34:31 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga KMG ah ee Sharciga doorashooyinka Soomaaliya oo kulan deg deg ah u socdo

    ulamada Guddiga KMG ee Aqalka Sare uu kaga arrinsanayay hindise sharciyeedkan ayaa ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ulamada Guddiga KMG ee Aqalka Sare uu kaga arrinsanayay hindise sharciyeedkan ayaa ahaa

Guddiga Kumeel Gaar ah ee Aqalka Sare u qaabilsan Ka Baaraan-degidda Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaran ayaa kulankooda afaraad maanta ku yeeshay Xarunta Aqalka Sare ee Magaaladda Muqdisho.

 

Kulankan oo uu shir guddoominayay Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ah Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxaa looga arrinsaday howlaha hor-yaala iyo dib u eegista sharcigan.

Guddiga ayaa qeyb walba dib u eegis ku sameynaya nuqulada uu ka kooban yahay Sharcigan oo dhowaan ay soo ansixiyeen Golaha Shacabka, lana filayo marka uu ka gudbo akhrinta koowaad iyo labaad inuu Aqalka Sare meel mariyo.

Kulamada Guddiga KMG ee Aqalka Sare uu kaga arrinsanayay hindise sharciyeedkan ayaa ahaa kuwo dhammaan uu ku dul istaagayay habraaca sharcigan iyo qeybaha u baahan dib u eegista, si wax looga saxo ama loogu daro.

 

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa dood dheer ka dib sharcigaan ansixiyay waxa ayna u gudbiyeen Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya Soomaaliya oo iyagu markooda ka doodaya.


Loading...
Loading...