Gabogabadii Mowduucyadeenii

0
Sunday January 19, 2020 - 09:04:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabogabadii Mowduucyadeenii

    Dagaalkii labaad ee aduunka iyo kii kowaad ba waxayaabahiiii sabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalkii labaad ee aduunka iyo kii kowaad ba waxayaabahiiii sabay

waxaa ugu waynaa ,markii ay dalal badani oo yurub ah  ay waayeen alaabtii qaydhinayd (raw materials)  ee warshadahoodii u baahneeyeen    dagaalkii lagu qaaday (imperialism )  waxaa kale oo soo dedejiyey markii ay abuurmeen isbajay  (alliances, imperialism, militarism, nationalism) oo uu ruushkuna bilaabay in uu cusboonaysiiyo isbahaysigii ,serbia, Germany,taas oo sababtay in shirqool lagu dilo boqorkii  

  ( Archduke Franz Ferdinand ) ee usteriya,

Hadab manta adigoo mowduucyadeenii dib u eegya , manta dalalka  ugu cududa wayn  ee manta caalamka ku hor botoriya ,waxay ku dagaalamyaan sidii dhaqaalahoodu iyo qiimaha lacagtoodu u liici lahayn, waxaa kale oo dhex socda dagaalka dhaqaalaha mid lacageed  aan hore ujiri jirin , waaayo  waxaa soo baxay isbhaysiyo lacageed oo  dollarkii la tartamay, waxaa kale oo jira in khayraadkii dabiiciga haa uu sii gabaabsi noqonaayo caalamka , dallaka khayraadkaas ku badan yhayna ,dal waxa uu doonayaa in uu xoog ku qaato, dalna waxa uu doonayaa in uu maalgalin kuqaato midna waxa uu rabaa in uu duplamaasiyada ku qaato,   

Kazoo qaad dalka UK  oo ah dal qaarad yurub qiimo ku leh ayaa bilaabay in uu midowgii yurub kabaxo markii lacagtii EURO ay si aad ah sare ugu kacay qiimaheedii ee  ay  qinqiir gashay  ginidii UK (starlin ) , taas oo kicisay siyaasad aad u adag oo dhexmartay labada xisbi ee shaqaalaha iyo conservetiga ,

Teeda kale dhaqaalahii Ruushak Shiinaha iyo Turkiga iyo dalal kaleba ,  oo si xowliya usocdaa ayaa waxay keentay in baqdimo dagaal iyo dhoolo tusyo meletry soo bataan, iyo caalamkii oo khatiyaan ka taagan cunoqabatanta (sanctions ) maraykanka oo u arkay in dullmi  yahiin, iyo iyadoo caalakmu dhamaantii ay dareemeen gumaysi cusub oo caalamka ku soo fool leh(new colonialism)  

Dalalka  waawayna mid ba mida kale waxa uu ku dadaalayaa sidii u nusqaamin lahaa dhaqaaalha dalalka kale gaar ahaan dalka marykanka oo isagu si doqoniimo aha ugu xad gudba xeerarka caalaigaa,

Ufiirso dagaalkii qaboobaa (cold war ) waa lagu kala adkaaday , dagaalkan dhaqaalahana ninkii doolar wax ku iibsan waaya  waa la  dhirbaaxi doonaa  , taasina waxyaabo badan oo iminka muuqan ayey sababi doontaa.

 

Dagaalka sadexaad waxaa la isku deyi doonaa Shiinha in laga joojiyo dariiqa baaya cmushtari ee uu caalaka ka wado, gaar haan geeska afrika , Afrikana iyada gumaysii hore ee ay soo martay  waxaa loogu dari doonaa in la baabiiyo, waxaa kale oo la isku dayi doonaa in Gaaska Ruushka ee qaarada yurub ubaahan tahay la is hortaago, dalal badan oo Shiinaha la leh xidhiidh baayac mushtri waxaa lagu kicin doonaa duufaano mudaaharaadaa, waxaana ugu horayn dalalkaa  Djabouty iyo ETHOIPIA , oo shiinhu maalgalin aad u badan galiyeey,

Waxaa kle oo dalalka waawayni ay isku dayidoonaa marinada  muhiimkaa ee caalamka isku xidha ee dhinaca bada  in dalwalba bucsharadiisa uu ku mariyo xoog, dalal badan oo caalamkaana iyadoo aan wax ogolaanshaa la waydiin in khayraadkooda  dabiicigaa xoog lagu qaato, waxaana caalmka ku soo noqonaya gumaysigii hore mid ka qoto dheer (new colonial ) oo ka khatar badan kii hore,

Lasoco,

Khaddar adam aw muuse

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...