Somaliland: Saddex Qodob Oo Uu Muhiim U Yahay Shirka Ka-Tashiga Khilaafka Doorashooyinku

0
Sunday January 19, 2020 - 08:02:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Saddex Qodob Oo Uu Muhiim U Yahay Shirka Ka-Tashiga Khilaafka Doorashooyinku

    Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Akaadamiyada Nabada iyo horumarinta Somaliland, ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay shir lagu marti-qaaday wakiillo ka socda bulshada somaliland inta lagu tuhmo aqoon iyo aragti oo rag iyo haween isugu jira, kaasoo ay muddo laba maalmood ah ku lafo-gurayaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka iyo dhismaha Hay’adda Komishanka Doorashooyinka qaranka.

 

Shirkan oo la soo gabagabeeyey khamiistii doraad,  waxa ka qaybgalay badi guddoomiyeyaasha Jaamacadaha maxaliga ah ee dalka, khubaro waayo-arag ku ah siyaasadda iyo xalinta khilaafaadka iyo wakiillo ka socday Ururrada Bulshada ee daneeya arrimaha siyaasadda iyo Doorashooyinka.

Dadka ka qayb-galay shirkan kama dhex muuqan xubno lagu tiriyo xisbiyada siyaasadda iyo xukuumadda haddii ay ku jiraanna aad ayey u kooban yihiin, laakiinse waxa ku sugnaa in ka badan 20 aqoonyahan oo aad loogu ixtiraamo kaalinta ay bulshada kaga jiraan, waxaana kamid ahaa guddoomiyaha Jaamacada Cammuud Prof. Saleeban Cabdi Guuleed, Prof. Maxamed Siciid Gees iyo xubno kale oo aqoonyahan ah, waana sababta uu muhiimka u noqday.

 

Shirka ayaa ku soo beegmay xilli ay bulshadu ku jahawareertay khilaafka ka dhexeeya Xisbiyada Qaranka iyo xal u helid la’aanta muranka la xidhiidha arrimaha Doorashada, iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee madal caynkan ah ay ku kulmaan labeenta aqoonyahanka dalku labadii sannadood ee uu muranku taagnaa.

 

"Arrinta ugu muhiimsan ee aynu maanta halkan isugu nimi waxa weeye in aynu dadkeena iyo umadaha kale ee inagu xeerran tusno Somaliland in ay tahay dal isku tashi ku dhisan oo aynu xal u helno khilaafka Doorashooyinka”sidaasi waxa yidhi Maxamed Faarax Xirsi oo ah Guddoomiyaha Akadamiyada nabada iyo horumarinta Somaliland oo ka hadlayey furitaankii shirkan.

 

"Arrinta Doorashadu Ilkihii dameerkay noqotay si waaqica waafaqsan aynu mushkiladaa u xalino”ayuu yidhi Prof. Saleban Cabdi Guuleed guddoomiyaha Jaamacada Camuud oo isna ka hadlay furitaankii shirka.

 

Muxuu muhiim u yahay Shirkani?

 

Inkasta oo go’aamadii shirka ka soo baxay la filayo in maanta oo Sabti ah lagu dhawaaqo, haddana qabsoomidiisu waa arrin dab-damis u ah quluubta shacbiga ay huriyeen hadalladii u dambeeyey ee ka soo baxay hogaamiyeyaasha asxaabta Qaranka, khaasatan Mucaaridka oo ay kaga dhegtay in ay dareemo qalafsan mar walba umadda u soo gudbiyaa. sidoo kale  soo dhex gelida aqoonyahanka ee arrimaha khilaafka ayaaba lafteedu ah mid rejo weyn abuuraysa.

 

Qodobka labaad ee uu shirkani muhiimka u yahay, ayaa iyaduna ah in hab cilmi iyo aqoon ku dhisan loo lafo-guro, isla markaana loo furdaamiyo, caqabadaha salka u ah muranka doorashooyinka, wallow arrinka ay iminka isku hayaan asxaabtu uu yahay mid aan sidaa u sii qoto dheerayn, balse laga dhigay wax ka dhigan "wixii la xumeeyaaba way xumaadaan”. hase yeeshee arrimaha ugu miisaanka culus khilaafka Doorasha, waxa ka mid ah saami-qaybsiga Kuraasta, Isku-duwida doorashooyinka badan iyo adkaynta axdiga kala-guurka ama si kale haddii loo dhigo in aad looga baaraan-dego sababaha keena dib-u-dhacyada Doorashada.

 

Qodobka saddexaad ayaa isaguna ah in go’aamada ka soo baxa shirkan ay si weyn u ixtiraami doonaan  hogaamiyeyaasha Asxaabta Qaranka iyo Xukuumadduba, isla markaana haddii xubnaha ka qaybgaleyaashu isku waafaqaan in ay dhexdhexaadiyaan dhinacyada muranku u dhexeeyo, isuna xilqaamaan wakhti kasta haku qaadatee in ay soo afjaraan muranka taagan in wax badan laga qaadanayo wixii ay door moodaan ee ay gaadhaan oo ku dhisan aqoon iyo toobiye lagu sameeyo xal wakhti dheer shaqeeya oo khuseeya arrimaha Doorashada iyo dhismaha Hay’addaha Doorashooyinka.

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...