Sharci Yaqaanada Difaacaya Trump Oo Jawaabtii Ugu Horaysay Ka Bixiyay Eedaha Loo Jeediyay Madaxwaynaha

0
Sunday January 19, 2020 - 07:49:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharci Yaqaanada Difaacaya Trump Oo Jawaabtii Ugu Horaysay Ka Bixiyay Eedaha Loo Jeediyay Madaxwaynaha

    Kooxda dhinaca sharciga u qaabilsan madaxweynaha Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda dhinaca sharciga u qaabilsan madaxweynaha Mareykanka
Donald Trump ayaa bixisay jawaabtii ugu horreysay oo ku aaddan eedeymo loo jeediyay madaxweynaha, kuwaas oo sababay in madaxweynaha laga keeno dawcad xil ka qaadis ah.


Sharci-yaqaannadan ayaa arrintaan ku tilmaamay weerar halis ah oo lagu qaaday dimuquraadiyadda. Dukumentiga kooxda oo ka kooban 111 bog ayaa lagu sheegay in qodobbada xil ka qaadista aysan ku jirin wax muujinaya in dembi uu galay madaxweynaha isla markaana looga gol leeyahay in lagu farageliyo doorashada madaxtinnimada ee sanadkan dalkaasi ka dhici doonta.


Hadal jeedinta dacwad oogidda ayaa lagu wadaa inay bilaabato toddobaadka soo socda.

Mr Trump waa madaxweynihii saddexaad inta la ogyahay taariikhda Mareykanka ee wajaha daxwad xil ka qaadis ah, waxaa lagu eedeeyay ku tumasho awood iyo inuu aqalka Congress-ka is hortaag ku sameeyay.


Aqalka Congress-ka ayaa waxaa maamula Dimuqraaddiyiinta mucaaradka ah ee dacwadda ku soo oogay madaxweynaha bishii hore.

Halka Senate-ka, oo ay ku xooggan yihiin Xisbiga Jamhuuriga ee Mr Trump, ay go`aansan doonaan in madaxweynaha laga qaado xilka iyo in kale.


Demuqraaddiyiinta oo ka jawaabayay sababta madaxweynaha xilka looga qaadayo ayaa sheegay in madaxweynuhu uu buriyay dhaartii uu dalka u dhaartay isla markaana uu meel kaga dhacay aaminaaddii shacabka.


Maxay sheegeen qareennada Trump?

Jawaabta ay qareennada bixiyeen ayaa waxay ku beeninayaan qodobbada ay kooxda sharciga ah u cuskanayaan dacwadda xil ka qaadista madaxweynaha.


Kooxdan oo ay hoggaaminayaan Pat Cipollone oo la taliye ka ah Aqalka Cad iyo qareenka gaarka ah ee Trump Jay Sekulow, ayaa waxay sheegeen in dacwadda xil ka qaadista ay ka eegi doonaan labada dhinacba, haddii ay ahaan lahayd hannaanka loo marayo iyo dastuur ahaanba, iyagoo intaa ku daray in madaxweynuhu uusan wax khalada ah sameyn isla markaana aanan loola dhaqmin si caddaalad ah.


Waxay xuseen in qodobbada ku jira dacwadda xil ka qaadista ay halis ku tahay xuquuqda dadka Mareykanka iyo xaqa ay u leeyihiin inay si xor ah u doortaan madaxweyne.


Jawaabta qareennada ayaa ku soo aadeysa maalin kaddib markii uu madaxweynuhu soo dhammeystiray kooxdiisa difaaci doonta oo ay ku jiraan dacwad oogayaal gaar ah oo hore xilka uga qaaday Bill Clinton.


Maxay yihiin waxyaabaha gaarka ah ee loo haysto Trump?

Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay in dalka Ukraine uu cadaadis ku saaray in warbixin sumcad dil ah ay ka soo saarto ninka kula loollamaya doorashada sanadkan ee 2020, Joe Biden, iyo wiilkiisa Hunter.


Hunter ayaa u shaqeeya shirkad Ukraine laga leeyahay halka Joe Biden uu yahay madaxweyne ku xigeen hore oo Mareykanka ah.


Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyay inuu taageero milatari oo $400m ku kacaysa uu ka hor istaagay Ukraine, taas oo ay hore ugu qoondeeyeen Congress-ka.


Dimuqraaddiyiinta ayaa sheegay in tan ay tahay ku takrifal awoodeed.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu is hortaag ku sameeyay Congress-ka isagoo diiday inuu la shaqeeyo.

 

BBC

Loading...
Loading...