Wasiirka Shaqo Gelinta Oo Abaal-marino Guddoonsiisay Shaqaale Muujiyay Hawl-karnimo

0
Sunday January 19, 2020 - 03:37:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Shaqo Gelinta Oo Abaal-marino Guddoonsiisay Shaqaale Muujiyay Hawl-karnimo

    Wasiirka Shaqo Gelinta Oo Abaal-marino Guddoonsiisay Shaqaale Muujiyay Hawl-karnimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Shaqo Gelinta Oo Abaal-marino Guddoonsiisay Shaqaale Muujiyay Hawl-karnimo
Hargaysa(HWN):-Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland ayaa shahaadooyin iyo abaal-marino guddoonsiisay shaqaalihii dedaalka iyo shaqo wanaaga muujiyay sanadkii tegay ee 2019-kii.
Image result for Wasiirka Shaqo-gelinta Hinda Jaamac Gaani


Munaasibad loo qabtay shaqaalahan abaal-marinaha la gudoonsiinayay oo manta lagu qabtay xarunta wasaaradaasi ee magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta iyo arrmaha bulriyay oo tiradoodu dhamayd 18 qof, ayaa ka kala tirsan waaxyaha ay ka kooban kooban tahay wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadu.

Marwo Hinda Jaamac Gaani, wasiirka shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda oo hadal ka jeedisay xafladaasi ayaa ku amaantay shaqaalahan shahaadooyinka iyo abaal-marinaha la gudoonsiinayay in ay muujiyeen karti dedaal iyo hawl-karnimo.
Kuwaasoo ay sheegtay in ay shaqeeyeen wakhtiyo dheeraad ah, isla markaana ay bulshadda gaadhsiiyeen nooc kastoo adeegyadda wasaaradaasi bulsahdda u qabato ah.

Sidoo kale wasiirku waxay tilmaantay in ay jiraan shaqaale kaloo muujiyay shaqo wanaag, akhlaaq fiican iyo dedaalba, hase yeeshee aan nasiib u yeelan in abaal-marinaha la guddoonsiiyo.

Maaddaama oo siday sheegtay wasiirku ay wasaaradaasi ka hawl-galaan shaqaale tiradoodu kor u dhaafayso 200 boqol oo ruux, sidaas darteedna aanay suurtoobaynin in tiro badan hal mar la wada abaal-mariyo.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...