Masuul Ka Soo Goostay Puntland Oo Laascaanood Lagu Soo Dhaweeyay

0
Saturday January 18, 2020 - 19:23:48 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Ka Soo Goostay Puntland Oo Laascaanood Lagu Soo Dhaweeyay

    Masuul Ka Soo Goostay Puntland Oo Laascaanood Lagu Soo Dhaweeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul Ka Soo Goostay Puntland Oo Laascaanood Lagu Soo Dhaweeyay
Hargaysa(HWN):-Masuulkii maamulka Puntland ugu magacawnaa magaaladda Taleex ayaa ka soo goostay maamulkaasi, iskuna soo dhiibay maamulka gobolka Sool ee Somaliland. Iimaan Cali Faarax, ayaa markii uu soo gaadhay magaaladda Tukaraq ee gobolka Sool waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamadda Somaliland ee aagaasi fadhiya iyo sidoo kale maamulka Tukaraq.



Iyadoo intaa kadibna loo soo gelbiyay dhinaca magaaladdda Laascaanood, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo uu wehelinayeen masuuliyiin kale. Masuulkan ka soo goostay Maamulka soomaaliyeed ee Puntland oo markii lagu soo dhaweeyay magaaladda Tukaraq warbaahinta dawladda la hadlay ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii iyo masuuliyadii uu maamulka Puntland ugu magacawnaa.

"Aad baan ugu faraxsanahay in aan mar labaad deegaankaygii, oo aan muddo fara badan ka maqnaa dib ugu soo laabto" Ayuu yidhi Iimaan Cali Faarax

Shacabka reer Taleex waan salamayaa, waxaanan u sheegayaa xilkii aan u hayay Puntland iyo wixii aan uga doonay, intiiba in aan ku soo guul daraystay, oo wixii xaq ay lahaayeen aan meeshaa (Puntland) ka soo wayay.


Waxaanan u sheegayaa in ay iimaansadaan Somaliland. Waxaanan leeyahay waxaan wax ku leenahay Somaliland. Puntland waxaan ka waayay hal Daar oo aan isku soo sawirro, oo aan idhaahdo Puntland ayaa samaysay”

Geesta kale masuulkani ka soo goostay Puntland ayaa markii uu soo gaadhay magaaladda Laascaanood waxaa qaabilay badhasaabka gobolka Sool iyo masuuliyiin kale. 

Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo xarunta gobolka soo dhawayn ugu sameeyay masuulkan ka soo goostay Puntland ayaa ku amaanay masuulkaasi go’aanka uu dalkiisii iyo dadkiisii dib ugu soo noqday. "Iimaan Cali Faarax, waanu soo dhawaynaynaa. Waxaanan leenahay ku soo dhawoow degaankaagii. Waxaad timid dhul amaan iyo nabadgeliyo ah, waxaanad ka soo baxday dhulkii fawdadda iyo dhibaatadii.

Garashadda aad garatay in aad dhulkaagii iyo dadkaagii ku soo noqoto, waan kugu soo dhawaynaynaa”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...