"Jabuuti Dawlado Waa Weyn Ayey Ka Xorowday Hadana Shirkad Ma Qabsan Karto"

0
Saturday January 18, 2020 - 15:08:35 in News by
  • Visits: 1443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Jabuuti Dawlado Waa Weyn Ayey Ka Xorowday Hadana Shirkad Ma Qabsan Karto"

    "Jabuuti Dawlado Waa Weyn Ayey Ka Xorowday Hadana Shirkad Ma Qabsan Karto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Jabuuti Dawlado Waa Weyn Ayey Ka Xorowday Hadana Shirkad Ma Qabsan Karto"


Dowladda Jabuuti ayaa si kulul uga jawaabtay eedeymo ay kala kulantay shirkadda dekedaha maamusha ee DP World, oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxayna gaashaanka ku dhufatay xukun kasoo baxay maxkamad sare oo fadhigeedu yahay UK.

.


Dacwaddan ayaa qayb ka ah dacwado ka horeeyay oo ay shirkaddu u gudbisay maxkamadda dalka Britain kadib markii ay dowladda Djibouti waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiis hore oo ay labada dhinac wada galeen sanadkii 2006-dii.Maamulaha guud ee dekedaha dalka Jabuuti Abubakar Cumar Xaddi, oo Khamiistii shir jaraa'id ku qabtay magaalada Jabuuti ayaa sheegay in aanu jirin heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP-Wolrd, balse shirkadaasi ay qayb ka ahayd maal galinta dekedaha Djibouti.Waxa uu sidoo kale gaashaanka ku dhuftay go'aanka la sheegay inuu maxkamadda London ka soo baxay.


"Jabuuti waxay jabisay heshiiskii ka dhaxeeyay DCT (shirkad mideyneysay Jabuuti iyo DP World) iyo dowladda Jabuuti, sababtuna waxay ahayd in DCT ay tiri 50-ka sano ee soo socda xeebta Jabuuti oo dhan kama jiri karo aag xor ah in annaga oggolaansho nalaga helo maahee".


Dowlado waaweyn ayey ka xorowday Jabuuti

Abubakar Cumar Xaddi ayaa ku gacan seyray bayaan dhawaan kasoo baxay DP World, isagoo sheegay in shirkaddan aysan la wareegi karin Jabuuti.


"Dowladda Jabuuti waxay xornimadeeda ka qaadatay dowlado waaweyn, marka shacabka iyo dowladda Jabuuti hadda ma oggolaanayaan in ay shirkad dib u qabsato dhaqaalaheedii, oo horumarkii waddanka oo dhan ay 50 sano iyadu ka taliso", ayuu yiri Xaddi.


Muranka labada dhinaca ayaa ka billowday maamulka dekedda Doraleh, oo ay sida la sheegay lagu dhisay heshiis u dhaxeeyay DP World iyo Jabuuti.

Loading...
Loading...