Maansada dhaxal dhowr

0
Friday January 17, 2020 - 18:38:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada dhaxal dhowr

    Maansadan waxay ka waramaysaa qiimaha dhaqanka sooyaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan waxay ka waramaysaa qiimaha dhaqanka sooyaalka
soomalida iyo sidu u yahay shay soojireen ah oo umada somaliyeed ay fac- ilaa fac soo kala dhax-layeen.

Maansadan waxay daraabaysaa ama fogaynaysaa dhaqanada doolka ah ee ina soo galay ee da’yartu ay qaayibtay.

Maansadan waxa curiyey cabdirisaaq axmed cigaal (darwiish)waxaanu yidhi isagoo dhalinta waaninaya:

*    Dhalintii dalka hooyiyo

*    Dhaayihii baladkeeniyo

*    Dheehii umadeeniyo

*    Dhextaalkii bulshadaydoow

*    Baaqu waa dhiniciinee

*    Waxaan dhoobta hortiina

*    Idiinku dhiibayaa gabay

*    Aan isleeyahay wuu dhiqi

*    Da’yartayda dheel dhaqaaqday

*    Dhalinyarooy waxaad tahay

*    Dhulka dhererka loo dhigay

*    Cida u udub dhexaadee

*    Dhabtii loogu dhaartay

*    Da’yareey dhaqankeenii

*    Dhawrista lahaan jirey

*    Iyo dhadhankiisa gaarka ah

*    Dhaadhaama saaka saluugay

*    Dhab ahaan uga saqaafay

*    Dhaxalkii awoowgood

*    Iyo soomaali dhaqankeed

*    Dhimashaduba ha joogtee

*    Qaarbaaba dhaafsaday

*    Dhadhab aan run ahayniyo

*    Dhalanteedka beenta ah

*    Ragbaa maanta dhaqan guuray

*    Surwaal sinaha sii dhaafay

*    Oo deymadiyo dhaayaha

*    Bartii aanu gacal dhuganjirin

*    Iyo dhoobta xumaanta leh

*    Banaankooda soo dhigay

*    Silis iyo dhugaagado

*    Dharkii dumar lahaan jirey

*    Sindi dheehan iyo dahab

*    Baraarug dhego iyo jijimo

*    Ragbaa maanta dhaqaaqoo

*    Dhudhunkooda soo sudhay

*    Ragii fool-dhaq mooyee

*    Dhaashi lagu ogaan jirin

*    Qaarbaa maanta dhaqaaqoo

*    Dhamidoodba dhadhabayoo

*    Sida dumar iyo dhabeel qurux

*    Iyo gaari dhugasho leh

*    Dhiraha laysku qooshiyo

*    Dhalan rogay jidhkoodoo

*    Diirkooda kala dhigay

*    Ragii dhaqashada lahaan jirey

*    Iyo dhaqaale iyo waxqabad

*    Da’yartii dhoodka iyo faanka

*    Miyey dhacadiidka iyo jiifka

*    Iyo dhebel u laafyoodka

*    Iyo dhursuge tacablaawe ah

*    Dhuunigooda ka adkeyn

*    Dhaxalkoodu uu noqday

*    Marku gabalku dheel mado

*    Dhaxantiyo habeenkii

*    Miyey sida dhurwaayada

*    Weerar ugu dhaqaaqaan

*    Dhuda qoorta dumarkiyo

*    Dhegta inay ku gooyaan

*    Dhuuxaaga jabiyaan

*    Sharaftaada dhumiyaan

*    Heesaha dheefid tumo

*    Dhabro iyo dhisaylaba

*    Miyey hilow ugu dhababeen

*    Oo ugu dhogor xumaadeen

*    Shifana eebe ugama dhigin

*    Dhaqankoodii wacnaayee

*    Dhego awdmay bay hayaan

*    Dhaadhaamaaba tusaale u ah

*    Iyo dhoohane gaalo ah

*    Dhawaaq kalena waa hablahaas

*    Dheeliyey socodkee

*    Hidahoodii dhaafee

*    Dhaansadeen umado kale

*    Gabdhihii dhamaysiyo

*    Dheeliyin socodkee

*    Hidahoodii dhowrtee

*    Dhaqashada lahaan jirey

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...