Qarandidu Geella Ha Iga Didisee, Weliba Way Ii Sii Qururuf Leedahay ( Abdi-Shotaly).

0
Friday January 17, 2020 - 18:26:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarandidu Geella Ha Iga Didisee, Weliba Way Ii Sii Qururuf Leedahay ( Abdi-Shotaly).

    Ciyaal wax ii soo qor-qora baa waxan leeyahay, nin baa waxa laga hayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaal wax ii soo qor-qora baa waxan leeyahay, nin baa waxa laga hayaa
" Nin kelyo jilicsan baa kaadiyi dishaaye, ee kelya-hayga waan kaga baxaa karin cidhiidh-yoone, ha karaamo seegina, habaar lagu kari waaye" Waxana aanay kuwaasi ogayn in Abdi-shotaly aanu qoraal dhib ku haynin, haduu yahay somaali ama Ingiriisi ee alla yaw sheega. Waxan halkan maanta ku qorayaa, oo aan doonayaa in aan ku cadeeyo, runta-na ugu sheego far-waaweyn, qaar sheeko rakhiis ah iigu soo qor-qora meela-haas iyo E-mailka, kuwaas oo igu beer laxaw-sadda in ay naf ii hayaan, oo yidhaaha Abdi-shooliyaw, Illaahay ka baq cimri baad joog-taaye, oo dadka aad kala fogay-nayso ka daa. Kuwa noocaas ah waxan hadaba leeyahay, Horta aynu is weydiino'e, Yaa dadka kal fogeey? " Ma adiga iyo askariga buka? Mise aniga? Ka jawaaba af janjeedha lahayde,  Xoola-yahaw idinku ka baqa illaahay, oo xaqa sheega, cadaalad daradda aad ku taageeray-saan reer hebel, iyo askarta baa anaga ah, dadka loo xidh-xidhaayo reer hebel bay ku ab-tirsadaan, hantidda ummadda ee lagu kala tegay, xoriyatul-qawalka in gaar ah denbiga looga dhigaayo, qaarn ahaddii ay Rasuulkii cayaan (Csw) ana juuq loo odhanayn, askarigan waalan ee aan xaal-ba ka go'in, bilaa qawlka ah, ee heshiiskii lala galaba ka baxaaya, Madaxdda hooyooyin-kood ku caayaaya " Xaafad-tooyadda" kaas sidaas ah ee aan miyir-ba rabbi ugu shubin madaxa dul saaran, sac-saca ah aan wax isku falayn, weliba ay intaa u sii dheer tahay cuqdad, naxli iyo malax xididadda dhaamisay, baad siddii lax oslaysa daba-dhilifa u ruxaysaan, markaasaad hadana ku af-gobaad-sataan Somaliland baa wax la yeelayaa iyo dad baa la kala fogaynayaa. intaa aanan sii dhex gelin, bal hadda ku soo dhawaadda intan yar ee afaraydda ah, oo wax kuu biniixin doonta:-

 

Bani'aadamka qaar baa, iyadoo ay bukto laabtu, 

Bogga hoosiyo beerku, bello hoos ku haysta ( Qabyaalad), 

Beeli ay ka dhex guuxdo, babinaayaya colaad, 

Iyo beel la colaw, siigo boodh leh ku dhuunta, 

Been ka sheega qaran, mucaraid baa duminaaya, 

Hadda waa kuwii burburshay, baguugaa ka dhigay, 

U baneeyey xabaasha, bakhti-geedi bireeyey, 

Weliba soo bay-bay-sanayaan, dar aan beesad ogayni,

Baroor aan run ahayn, kaga baaqaya suuqa,

Iyakoo bushma-hoodda, xaqii eebbe ku baaqay.

 Oo bohol weyn ku riday, Wax quraanku bayaanshay.

Axaadiistii boqranayd, bil cadaan u hor yaala.

 

Aan dib ugu noqdo ujeedka qoraal-kane, Abdi-shotaly, uma joojiyo Caqli-Gaab beelaysan, oo isku qarinaaya magac dhintay oo ay ku sheegaan, wax ay ku magacaa-baan Somaliland, kaas oo ay in yari ku lisato. Waa aniga ( Abdi-Shotaly) ka ugu daacadsan ee u dagaala-maaya, xuquuq-dda dalka iyo dadka, in Magacii Somaliland ee Qudhmiye tirtiray, uu dib u soo nooleeyo, geed dheer iyo mid hoose-ba u fuulay, bogcad kaste isu soo taagay, hadeer-na u taagaan difaaceedda qaranaimo iyo jiritaan-keedda, cadaalad loo siman yahay, wax wadda lahaansho, oo ay inta askariga ku xeeran iyo qoys-kiisu, sidda gafanaha uga soo go'een, xataa baloodhaddii dan-yarta xoog ku boobay ( Isku wadda dar Jeegaanta ha kala reebine). Waxan ahay ka diidan in uu askarigu aaso sharciga iyo distoorkii uu inooga tegay Mohamed Xaaji Ibraahin Cigaal ( Ihun), Waxan waydiinayaa, Kuwa uu maqaal-kani ka hadlaayo, wax-ba ha isku qarinina ciiro'e, si cad u soo banaan baxa, waynu is gondo og-nahay oo wax-ba la isu qarin-maayo'e. Ma been baa waxan sare ku soo sheegay? Waxad tihiin kuwii la yidhi " Qarandidu geela ha iga didisee weliba way ii sii qururuf leedahay". Waar nacas-nimadda qaawan ha iila imanina, sidaas la iguma khaldee, waan idinka il-dheerahay, oo la iima galgasho aniga.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, Doqon meel iskaga baydh ah, oo meela-haas ku soo faygara, una badheedhi karayn war-baahinta iyo aniga, oo ibriiq ka adimaa ima hawaysto, oo isaga oo wuxu ku daba socdo " Raggii ma adigaa ka hadahy iyo geenyo Shaaximan" la isla wadda og-yahay, baa aniga i leh Cimral-cibaado baad ku jirtaa. Waar todobaatan bay sare ka mareen labadda askari, boqol buu sanka la galay odayga magaca gaalka lihi, Af-dulqaa isna daa hadal-kiisa waa 68 jir,  Waa imisa jir Gafane ( waa ka aad gaafaadhi tidhaahaane),  Cali baqdaadi waa 75 jir, Sheeg Saylici intuu jirey, Cabdiraxmaan habalha buuga ka qorey.  Ka baarlmaan ku sheega hor fadhiistaa Baashe waa imisa jir, Saciid Sulub aniga buu Saddex sano iga sii sareey, oo aanu isku Oodweyne ahayn, markii uu ka baxaayey fasalka 8aad 1969kii, anna waxan ahaa fasalka 5aad, way wadda dhaafeen da'ddii xil lagu aamini lahaa, oo waa wadda asaasaq,  Waxa dalka sidaa ka dhigay-na. lama soo koobi karo akhristaw yiciistan isku urur-satay " Xaafad-tooyadda" Hadaba waxa la yidhi  " gar weecsan iyo eexi, waa wed kugu maqan" Rabbina kaagma tago, Laakiin liid sidiina ahi meel kale buu farta ku fiiqaa. Shakhsi waalan ( Waa askariga'e) oo meel uu marayao iyo wuxu odhanayao, mid-na aan garan karin, weliba ah askar intii la yaqaany kii ugu sii liitay, idinkoo kaba-qaadyo u ah, dad aydaan gaadhayn ( waa aniga'e) ha ku lugo darsa-nina, Waxa iga walaahi, in aanu xaar-kayga u dhigmin askarigu'e ( waxa kale iska daayoo), Afka ciidda ku gura ima dul iman kartaan, idinka iyo waxad wadataan-ba'e. Huush-fooqal-huush yahay bilaa damiirka ahi.

 

* N.B Dameer Fuuf Mooyaane, Fal Wacan Laga Waa!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...