Allah Ha Naxariistee Faysal Hooyadii Ayaa Muse Aakhiro Uga Soo Jawaabtay.
Horta madaxweyne Muse Biixi Mushkilad caafimaadka
ah baa haysta oo in
la xannnaaneeyo mooyee way adagtay in maamul lala wadaago.
Mushkiladaasi waxay ka soo raacday dagaaladii SNM iyo qaaxo waana
mushkilad ku dhacda dadka dagaalada soo gala waa trauma aan maskaxda ka
bixin koritaanka maskaxdana joojisa , in aragti cusub maskaxdu
dhalisana xannuun kaasi wuu u diida maskaxda ( without vission)ayuu
qofku noqdaa wax loo sheego uunbuu qaban karaa qofka CUDURKAASI ku
dhacaa. Dagaal iyo cadho ayaa fikirku u battaa iyo baqasho iyo
dabin-ka-bood iyo wacad fur aan kala joogsi lahayn.
Hadda arinkan qacan ka hadal ka ah ee uu Faysal Cali Waraabe kula
kacay waa arin dawladii jaarka iyo kuwii kaloo dhami maqleen, qof
kastoo madaxa oo SOMALILAND imanayana madaxiisa waxaa soo gelaya inuu
Madaxweyne SOMALILAND xafiiska hoosta uga xidho oo la dagaalamo waa
arin wadanka oo dhan ceeb ku ah qofkastana maanta madaxiisa ku jira yar
iyo weyn. Gabadh baa tidhi waa la I aroorshay xalay wax riyo ah oo
kale ah ayaa islaan dhar cad cad xidhan oo qurux badan oo ooyeysa baa
la u tusay oo ii timi waxay tidhi Faysal Cali Waraabe hooyadiibaan
ahay Oo luxidkaan la lasoo kacay markuu nin dheer oo madawi inan
kaygii la dagaalamayo oo la igu yidhi bay tidhi waa Madaxweynihii
wadanka. Markaa waxay tidhi gabaygaa u gee ninkaa Muse Biixi la yidhaa
ee inankayga la dagaalamaya. Gabayga waxaa la yidhaa bay tidhi :
KELIGAYBA KUMA QOONSANINE QARANKU KAA YAAB.
QASHIIM LAGAMA WAAYO ARLIGA QOOMAMIYO CIILE.
QARJAC MUUDLE WAA ARKI JIRAY QAATAN ABDKIIYE.
ADIGUNA QASAARAWDAY OO QURUX LAGAA WAAYE.
WAAR HADDAAD XILQAADAY CAYDA WAA LAGA QASHAAFAAYE.
MA QUMANA WALAASHAA INAAD XUMA U QUUDHAAYE.
Haddaad se qiimo leedahay hablaha waad qadarin layde.
INKASTAAN JANNA FARDAWSA U QALMOO EEBBE IGU QUUDO.
ANIGUBA QAABADOODAAN AHOO QADAFKU WAA CEEB.
NACAS SHARAFTII LAGA QAADAY OO QAAWAN BAAD TAHAYE.
KELIGAY KUMAAN QOONSANINE QARANKU KAA YAABYE.
QOOMAHA MARKAAN EEGAY IYO HADALKA QAARKIIBA
ANIGOO NUSAA KUU QAJILA MARARKA QAARKOODE.
QUBLAYAHAW LA SHEEG INAAD AFXUMO QAYB U LEEDAHAYE.
KELIGAY KUMAAN QOONSANINE QARANKU KAA YAABYE.
ROOXAANTII KAA QAYLISOO QAYLADII TIMIYE.
WAXAA SE QAAYIMAN DHOWAAN WAAD SOO QULQULAYSAAYE.
EDDO WAXBA KAA QARINMAAYEE CADAABTII WAA LAGUU QORAY DHEH.
Hadaba Faysal waxaa la gudboon kol haddii hooyadii Allah jannada ha
ka waraabiyee samada iyo aradkaba laga hadal hayo inuu quraan badan u
akhiriyo oo u duceeyo , hangool kuna haddaanuu waxba iskaga waabinay
naftiisa wadankana waxba hangool tariwaaye kitaab quraana ha ku bedelo.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...