Dadka Kii Dhergaw Daran ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday January 16, 2020 - 15:21:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Kii Dhergaw Daran ( Abdi-Shotaly).

    Somalida iyo bahalka la yidhahao dhurwaaga ( ama waraabaha qofba sidda uu u yaqaano),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalida iyo bahalka la yidhahao dhurwaaga ( ama waraabaha qofba sidda uu u yaqaano),
baa jilbaha is daray, markii uu gar qaadan waayo, ee xoolihii ka dhameeyey, baa wuxu yidhi, anigu ma cuno xoolahiina, ee markaan arko baadi meel maraysa, baan is  idhaahaa u soo qabo ciddii lahayd, dabeed gacmo ma lihiye afkaan ku qabtaa, iyaka baa iska kay dhufta, markaas baa halkii aan hayey ii soo godaa, meel kale baan qabtaa oo aan is idhaahaa ku dheg, halkiina way ii soo ruqdaa, ee anigu marna isma odhan wax dil, sidaas baa ay ku dhintaan xoolahii. sidaas markuu ku gar akhristay, baa lagu yidhi "Waraabaw inaad saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daaye", inta aad neef geela kaga cabaadiso hadana aan raad gato, kaa socon mayso, ee runta sheeg, waayo haday sidaasi kaa run tahay maad cararteen, ee waad sugi lahayd dadkii lahaa, ogawse  waxa aad is leedahay ded, waa cadaan, oo xaal-kaagu cidna kama dahsoona, waxan u soo qaatay, oo ay tahay u jeedka maqaalkan hoose ka akhri. Waxa la  la yidhi " Kor waayel waa wado indho",  Waxan uga socdaa, dagaalka ku socdda beelo gaar ah, waa waxa labadda askari ee cuqda-daysani ay kursiga-ba ugu hamoodeen, aar goosi awgood, iyaka oo aan wax loo diran jirin halgankii SNM, taas oo micna-heedu yahay, in ay isku dhuftaan beelaha, ka dib-na ay ku baabado wixii la odhan jirey Somaliland  (imika waa Maamul Goboleedde).

 

Waxa la qorshaynayaa maanta-na dagaal sokeeye, siddii kii la odhan jirey " Marya-alool" ee ay isla labadan askari ay taayiradda u ahaayeen, wixii ka raacayna la wadda ogaa. akhristaw, waxa imika si wacan loogu soo guntaday, ee loogu soo tafa-xaytay, oo doorasha-daba loo boobay-ba wax kale may ahayn, ee waa hantiddii ummadda oo la xaraasho iyo ka fara-qabsi, waa maskax-xumaantii abidka ahayd ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximane", oo uu isagu sidda ilmo uu dhalay amar siiyo, ma odhan karo waxaasi waa khalad, cuqdad reerna way u wehelisaa, waana ay bukaan, taas baana heshiis lagu yahay, iyadda oo xoog la is biday iyo ciidan baanu haysanaa, kolba wax ba alagu meerays-taaye, waxa habeenkii lagu soo hesiiyo, marka subaxii lagu cadeeyo bay  dafiraane, oo si kale u sheegaane, waad la socoteen oo cidi idiin sheegi mayso. Ma jiraan wax aan amarka asakrta ku shaqaynini, ma jiro distoor iyo sharaci wax kala wadaa, bal u fiirsadda qaabka ay u shaqeeyaan booliiska, Maxakamado ku sheega iyo shaqaalaha maaulka ( Waxay ku sheegaan Civil service-ka), dhamaan waxay ku joogaan qaab beelaysan, waana markhatai ma doon. Sidaas awgeed, baa kolba meel madaxa loo sii geliyaa. Askarta meesha macashu ku weynaatay ( waa labadda sare ku qorane), Waxa sideeda-ba ka khladan wax weyn, oo way xisaab xumays-teen ( they are miscalculated). Waxa la yidhi " nin daar ku jiraa, daruur ma arkee", weli  cirka bayna sare u deyin, runtana isuma ay sheegin, sababtuna waxa weeye, dibiradda oo ay is leeyihiin waad ku waari doon-taan. waxase hor yaal  oo lama huraan ah, lagana sugayaa in ay ridaan dagaal sokeeye, weliba si dhakhso ah ha u dhaco. bil cidda roob ku og.

 

Askartan xanuunsa-naysa ee ah laguma dhaamee dhaqaaq, ee siddii nirgo caano ka dibiray gu', ku dhuftay jeeraarinta,hadda soo jooga laga waaye, ee marka kaadi-doodda kalax loogu shubo, baa soo jiif-sadda laga heli doonaa, shaki kuma jiro in ay kuwani hadda yihiin xumbo engegtay, ma jiraan maryo alool dambe: ee bal caloosha weyni halka ay geyso aan eegno, waa kuwan oo gol-xaddii iyo diiftii ka badaye. Horaa loo yidhi " Durduro geel baa ku jabay, dilaal iyo milaal iyo dib u socod-na waa isaga".ee ma burburi-yeen wixii loo soo dhintay, way iimaan la'yihiine, oo kumaba ay dhalane.

 

(1)  Ummadu waa jeegaan oo meel ah, 

 

(2) Inta kale oo meel ka soo wadda jeedda, kuwaas oo kuligood diidan mamaulka askarta, kuwaas oo 100% ka xun Af-weyne, kun jeerna bara dhaafiyey, iyaka oo ku maalaaya, dhaxal aan laga dhimanaw macaanidaa, waxase uu yidhi abwaan qaasim (IHUN), nin kstoo salaan dheer u baxay, soo deg baa xigiye, weliba iyadda oo aan laga abaasha-nayn. afarta askari ee la isku halay-nayaa, markay qaraxdo, nin-ba halkii uu ka soo jeeday, buu qoriga ula dhaqaaqayaa ( Ilayn markii hore-ba isaga baa iska lahaaye). Dayaxii Kulmiye wuu dhacay, dib-na u soo noqon maayaan, ummadu way tashatay, cid khasbi kartaana ma jirto, nin khamaarka ciyaari jirey, baa intii ku hadhay-ba mar qudha wadda saaray, isaga oo naxasan, oo is leh talaw maad heli haad-kaas mise waad waayi, baa mid sugayey ku yidhi, waar maxaa ku aamusiiyey, ee aad noolahadli wayday? Dabeed wuxu ugu jawaabay," Wadda Hadalba Haad-kaas baa ka hadhay, ujeediyo haatan, waxa u hadhay wakhti kooban, inta ka horeysa-na waa la iska celin,  waana hubaal in aanu dib u soo noqonayn, kursina helayn, Colaaduna waa ina daan weyni ee qof kastaw u diyaar garaw,  waxay tahay murtiddii ahayd " Ha is raacdo diidaye, ha is raabsatee daa" Waa la kala bixi kolkaase, oo nin-ba nin-kiisa buu noqon, halka ay cago dhigan doon-taana iyo waxay ku dambayn nin rag ahina waa og-yahay nacas ay imika tuumbo haan malab ah ugu jirtaanaa, markaas buu soo hambaaburi doonaa, ee sidda adeera-dood " waa Geenyo shaaximaan iyo Raggii ma adigaa ka hadhay" Ha ka sii fara qabsa-deen waa la is kala soocayaa Subax an Dheerayne, taariikh-duna way hadhaysaa,nin waliba wuxuu beertay buu heli doonaa madha-xeedda.

 

* N.B Durduro Geel Baa ku Jabay!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...