Abwaan Weedhsame Mid Ka Mida Abwaanada Safka Hore Kaga Jira Abwaana Ugu Saamaynta Badan Bulshada.

0
Thursday January 16, 2020 - 08:47:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Weedhsame Mid Ka Mida Abwaanada Safka Hore Kaga Jira Abwaana Ugu Saamaynta Badan Bulshada.

    Guud ahaan umadda soomaalidu waxay leedahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guud ahaan umadda soomaalidu waxay leedahay sooyaal iyo suugaan soo jirtay guyaal badan,taasi oo soo taxnayd ilaa iyo qarniyaal badan.

 

Dadyowgii kowaad ee reer galbeedka ahaa goortii ay soo cago dhigteen dhulka soomaalida,iyagoo la fajacsan heerka ay ka taagnayd iyo martabada sare ee ay u taagnayd ayay u bixiyeen dhulkii suugaanta ama bulshadii gabyaaga,iyagoo uga jeeday mujtamaca soomaalida iyo xikmadaha ku gadaaman.

 

Iyadoo kolba marxalad jaanta wadhaysay mar waatii faafitaanka diinta islaamka qayb ka qaadanaysay,taasoo dhiirigalinasay dadkana baraysay taariikhdii diinta iyo asxaabihii hore waatii odhanaysayna (maqaleey warleey malugu waramay? Yaa ii waramay?waxa waran dhul galay  maluguu waramay ?in cali la dilay oo cumar la dilay,,,,,,,,,,,,,,,,

 

Mar waatii ka qayb qaadanaysay halgnaddii gobonimo doonka ahaa iyo xoriyadii, iyadoo bilaabaysay kacdoono ku sahabsanaa iska kicinta,  taas oo dadka loogu sheegayay eryinta  gumaystayaasha shisheeye ee yurubta kasoo halloolay.

 

Wakhtigii suugaantu ay heerka sare gaadhay isla markaasina ahayd wakhtiyadii dahabiga ,wakhtigaas oo ay ku beegnayd xilliyadii la dhigi jiray ruwaayadaha taas oo ilaalinaysay naxwaha iyo af soomaaliga baraxa tiran.

 

Isla  wakhtigaas waxa soo baxay rag mucjiso ah oo abwaana ahaa, kuwaas oo ka hilaacsiyay iftiimiyayna gaadhsiiyayna dadka tusay suugaanta hoddanka ee faca weyn ee aynu caalamka dheernahay.

 

Haddadan la joogo waxa majaraha u haya oo noqday abwaanka qarniga xasan ismaaciil weedhsame kaas oo saamayn weyn kuleh bulshada iyo mujtamaca ku hadasha afka soomaaliga.

 

Dadka soomaalida waxay la fajaceen hees waayo qabsada bulshada xataa dawikhisay taas oo ahayd ha i raadsan.

 

Abwaan weedhsame waa abwaanka ugu saamaynta muuqda wakhtiga kan.

Hamse riiraash

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...