Isbahaysiga Waddamada Badda Cas Iyo Waddamada Muhiimka Ah Ee Laga Reebay

0
Thursday January 16, 2020 - 08:43:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbahaysiga Waddamada Badda Cas Iyo Waddamada Muhiimka Ah Ee Laga Reebay

    Dhowaan waxa lagu soo xidhay Magaalada Riyadh ee Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhowaan waxa lagu soo xidhay Magaalada Riyadh ee Dalka
Sucuudiga shirka idbahaysiga waddamada kulaala badda cas oo ah sideed waddan Saudi Arabia,yemen,Somalia,Eritrea Djibouti,Sudan,masar iyo Jordan,Isbahaysigan ujeedadiisu waxay tahay in dhinac looga soo wada jeedo budhcad badeedda,koontrabanka iyo arrimaha Xasiloonida Gobolka,hase ahaattee waddamo indhaha laga laliyay iyo dalal tartan ka dhexeeyo ayaa ah caqabadaha hor taagan siduu isbahaysigan u guulaysan lahaa.

"Way fiicantahay marka dhinac laga eego in budhcad badeeda dhinac looga soo wada jeedo "lakin waxa jira wax badan oo lagu kala qaybsanyahay”sidaas waxa tidhi aqoonyahand Camille lons”cilmi baadhe ah oo ka shaqaysa International institute for international studies (IISS) oo baxrayn ku taalla.



Sideed wasiir arrima dibadeed oo kala ah waddamada Afrikanka ah ee dhinaca Africa ka jeeda iyo kuwa dhinaca carabta ka soo jeeda oo dhex ay u tahay badda loo yaqaan  badda casa ama (Red sea);Somalia,jabuuti, Eritrea,Sudan,Masar iyo daanta  shishe oo ah Yemen, Saudi Arabia,iyo Jordan.

 

Urur goboleedkan cusubi waxay xoogga saareen; iskaashiga dhaqaalaha,is dhexgalka arrimaha dhaqanka caadooyinka iyo arrimaha deegaanka,waxa uu caddeeyay wasiirka Arrimaha dibadda ee sucuudigu Faisal bin farxaan Al saud inanu iskaashigan cusubi aanu samayn doonin wax Ciidammo ah.


Golahan cusub waxa fikirkiisa lahaa waddamada Masar iyo Sucuudiga waxana ujeedada iyo danaha ugu badan watta sucuudiga sidaa waxa sheegay Axmed Suleyman oo ah cilmibaadhe arrimaha afrika xiiseeya waxanu ka sheegay aqalka Chattam house eek u yaalla magaalada London.


Arrintan oo dhan waxa sababay tartanka loogu jiro dekedaha Somaliland,Eritrea iyo Jabuuti biyaha badda cas waxa dhererkeedu yahay 2250km waxana dhererantahay  badda dhexe illaa iyo badweynta India sidoo kale warshadaha kalluunka sidii looga dhisi lahaa iyaduna waa qodob kale.


Xagga siyaasadda Sucuudigu waxa uu rabaa inanay meesha soo gelin waddamada tartanka kula jira ee "Turkey,Qadar iyo Iran”waxase isweydiin mudan yaa laga reebay heshiiska yaase lagu daray oo aan u qalmin.


SOMALILAND

Jamhuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland waxay toos ula macaamishaa Sucuudi Areebiya gaar ahaan maraakiibta xoolaha qaadda ee dekedda Berbera,waxay ku leedahay 850km(Maritime) oo badda cas ah waxa xusid mudan Jordan oo 27km oo keliya ku leh xeebta badda cas waxay qayb ka tahay Golahan cusub


 Sida laga soo xigtay warbixin wasaradda arrimaha dibadda ee Somaliland waxay tibaaxday in aanay wax wada shaqayn ah la samayn doonin isbahaysigan,cilmi baadhahan wuxu qiray in Somaliland la’aanteed aanu shaqayn Karin isbahaysigani.


Waddamo badan oo Golahan cusub ka mid ahi waxay muujiyeen In Somalilnd la’aanteed aanu golahani shaqayn karayn hase ahaattee waxa laga dabin dhowrayaa diplomasi ahaan arrinta Somalia oo sucuudigu waxa uu rabaa inuu isku wado arrimaha oo Somaliland xidhiidhka la wado iyadoo uu dhinaca kalena muujinayo inanu waxba u dhimayn madaxbanaanida,waxa xusid mudan shirkadda DP world oo laga leeyahay waddanka Iimaratka carabta ayaa heshiis Somaliland la gashay balaadhinta Dekeddea Ber bera ah iyo Saldhig military oo Imaratku ka samaysanayo Berbera.


Waxa kaloo meesha ku jira oo aan indhaha laga lalin Karin  Ethiopia oo ah waddanka lixaad ee ugu wayn adduunka waddamada loo yaqaan waddamada dhulkooda qufulanyahay (landlock) ee aan bad lahayn ayaa waxa xurguf ka dhaxaysaa Masar oo ay isku eedeen biyaha Wabiga niilka taas lafteeduna waa caqabad kale oo Golahan cusub hor taalla.


Tixraac

http://www.rfi.fr/en/africa/20200108-new-red-sea-alliance-formed-saudi-arabia-notable-exclusions

 

Rashiid Odowaa Diplomacy and IR

khadarsalaan@gmail,com

063-4101213

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...