Hal Aanan Ku Dooranahayn Maxamuud Xaashi !

0
Thursday January 16, 2020 - 08:25:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Aanan Ku Dooranahayn Maxamuud Xaashi !

    Waa Qaaradda Yurub iyo aagga lacaglaydu joogto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Qaaradda Yurub iyo aagga lacaglaydu joogto.
Sida beryahan danbe dad wada ogyahay waxa olole xummaddiisa leh iyo guure-bahalayn ka waday Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa gacanyarihii u danbeeyey iyo Madaxweynihii dadbanaa ee waagii Siilaanyo. La hubsay oo gorayo haad noqon weyday, siyaasi kasta oo siyaasadda horey ugu soo fashilmayna in uu dib aamin ka noqdo iyo in uu caadadii baajiyaa waa tu aan la eegayn. Maxamuud Xaashina dadkaas ayaa uu la mid yahay oo cidna ka iibsami maayo , marka laga tago reer tolkii oo leh " Muuse Biixi oo ahaa xadhig lama sitaanba tolkii waa sitaaye , ma kaayagay buro ku taallaa”.


Intaas oo dhanba ka kaalay oo uma socon. Hal arrin oo aanan arag dadka oo isweydiinaya ama saxaafadda oo falanqaynaysa waa hadal aan marna dubaaqayga ka bixin oo ka soo yeedhay Maxamuud Xaashi oo marti ku ahaa barnaamij ka bixi jiray SLNTV xilligii Geeljire oo la odhan jiray qanci dadkaaga. Su’aal ayaa la weydiiyey nuxurkeedu ahaa " dad baa madaarka kala dhoofay macdano qaali ah, markii la qabtayna aad amarkaaga ku sii daysay, waa kee sharciga kuu oggolaanaya in aad ku takri fasho khayraadka dalka”. Maxamuud Xaashi af buuxa ayaa uu ku yidhi " adeer aniga wax aad ii dhiibateen ma jirto , Siilaanyo ayaa aad doorateen ee isaga u taga” . waa halka aan kaga qancay Maxamuud , awood ayaa uu sheegtay, in aan cidna la xisaabtami karin oo aanu cidna waxba iskaga tirinahayn ayaa uu caddeeyey. Waxa aan habeenkaas oo dhan is weydiinayey : talaw Maxamuud miyaanu soo akhriyin magaca barnaamijka. Maxamuud Xaashi waa aftahan kalitalisnimo u ciilqabee yaan la moogaan.


Sacad M Aadan.

Hargeisa, Somaliland

Email : [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...