Xanaf Qabyaaladeed Oo Ka Soo Baxday Shaqaalaynta Dawladda Somaliland ee Gebiley

0
Friday March 29, 2019 - 20:42:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanaf Qabyaaladeed Oo Ka Soo Baxday Shaqaalaynta Dawladda Somaliland ee Gebiley

    Shaqaalaynta cusub ee hawlwadeenadda cusbitaalka Gebiley ayaa guux qabyaaladeed ka abuurtay magaaladaasi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaynta cusub ee hawlwadeenadda cusbitaalka Gebiley ayaa guux qabyaaladeed ka abuurtay magaaladaasi,

ka dib markii ay liiska shaqaalaynta ee ay dhawaan sii daysay hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ay intooda badani isku beel keli ah noqdeen, gaar ahaana shaqaalaha derejadda koowaad ee A-Da, B-da iyo C-da.



"Guuxani ayaa sii xoogeystay ka dib markii liiska shaqaalaha cusub ee cusbitaalka Gebiley lagu arkay wiil ay walaalo yihiin Mayorka Magaaladaasi oo magaciisa la yidhaahdo Mustafe Omar Cabdi. Arrinta kale ee iyaduna sii hurisay xanafta qabyaaladda ayaa ah ka dib markii hawlwadeenadda ugu sareeya cusbitaalka guud ee Gebiley iyo kan TB-duba ay noqdeen isku hal beel keli ah, ka sokow inay isku beel yihiin, waxa kale oo ay noqdeen hal qoys oo keli ah, tusaale ahaan Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Gebiley oo magaciisa la yidhaahdo Ridwan, waxa liiska cusub ee shaqaalaha ugu wada jira laba qof oo ay isku qoys yihiin oo kala ah Seedigii iyo Xaaskiisa” ayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalaha cusbitaalka Gebiley oo ka gaabsaday magaciisa, sababo la xidhiidha inuu shaqadiisa ku waayo. Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi. "ugu yaraan laba qof oo ka mid ah shaqaalaha cusub ee la qaatay waxa ay marka hore ahaayeen Nurses amaba kalkaaliyayaal caafimaad, haddana dhakhtaro ay aa laga dhigay”.


Inkasta oo aanu jirin xeer u diidaya inay saddex qof oo isku qoys ahi meel ka wada shaqeeyaan, haddana waxa ay isweydiintu tahay ma imtixaan ay qaaday hay’adda shaqaalaha dawladdu oo ay ku soo baxeen oo la wada ogyahaybaa mise dhammaantoodba marka hore ayay mutadawacnimo ku shaqaynayeen? Haddii Imtixaan loo geli lahaa oo ay dhaammaantood ku wada guulaysan lahaayeen, waxa la odhan lahaa xaq ayay u leeyihiin inay shaqadaasi qabtaan, haddiise ay ahaayeen kuwo mutadawacnimo ku shaqayn jiray, markaa waxa la odhan karaa kuwo kale oo mutadawacnimo ku shaqayn jireyba way jiraan’e qaabka loo xushay ayaan cadaalad ahayn.


Dhinaca kale shanta qof ee ugu derejadda sareeya gobol/degmo ee Gebiley oo dhani waxay leeyihiin isku aqoonsi keli ah, taasi oo sawir fool xun ka bixisay aqoonsiga guud ee ay reer Gebiley wadaagaan, isla markaana u tustay kuwo kale ee reer Gebiley in ay shaqaalayntaasi u dhacday qaab aan cadaalad ku fadhiyin, taasina waa sababta keentay dareenka ay ka bixiyeen kuwa kale markii uu soo baxay liiska shaqaalaynta dawladda ee gobolkaasi. Maaha oo keli ah kala qoqob ay ku keento bulshada Gebiley, balse waxa kale oo ay keenaysaa in hawlgudashada iyo adeegga dadweynaha la siinayo uu ku yimaado kala daadsanaan.


Isku soo duuboo waxa guuxani keenay xanafta qabyaaladeed ee kala qoqobaysa shaqaalaha caafimaadka Gebiley daawo u noqon karta hadba jawaabta iyo faragelinta ay haya’adda shaqaalaha dawladdu ku samayso, balse waxa aynu ka war sugi doonaa jawaabta amaba talaabadda ay hay’adda shaqaalaha dawladdu ka bixiso.


Hase yeeshee, haddii aanay hay’adda shaqaalaha dawladdu jawaab cad ka bixinin, waxay u keenaysaa hay’addaasi sumcad xumo weyn oo soo waajahda oo ku biirta qayladda ka taagan gobolada iyo degmooyinka dalka ee la xidhiidha sidii loo soo xulay shaqaalaha cusub ee dawladda. Iyadaoo ay hay’adda shaqaalaha dawladdu labadii sannadood ee u dambeeyey qaaday talaabooyin loogu tartamayo fursadaha shaqo ee ka banaanaaday hay’adaha dawladda. Taasina ay dad badan rajo gelin ku abuurtay.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...