Gobolka Hawd Maanu u Qalmin in laga Hirgeliyo Dekedda Qalalan ama Dry Port)?
Gobolka Hawd waa xaruntii ay ka soo bilaabay Somaliland waana hooyadii dalka akin nasiib daro may helin abaalkii ay ku lahayd xukumadihii kala danbeeyey ee soo maray Somaliland waana meel ka aradan dhamaanba baahiyaha aasaasiga ah ee ay leeyihiin gobolada la midka ah ee la mar lala magacaabay waana nasiib daro maanta inay sidaa ahaato G.Hawd xaruntiisa Baligubadle.
Si kastoo ahaataba Somaliland waxa waajib ku ah xukumada talada haysa inay ka samayso dekeda qalalan ama dry port waxa loo yaqaan waana mee ay maro xadka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia waana gobol strategy ah ku haboon deked qalalan in laga hirgeliyo.
Waxay faa’ido badani ugu jiraysaa S.land sidoo kale waxay noqonaysaa horumar uso kordhay G.Hawd xaruntiisa Baligubedle.
Bulshada reer Somaliland waxa xaq u leeyihiin in khayraadka loo qaybiyo oo aan la kala jeclaysan.
Gobolka hawd waa meel ay ka soo jeedaan mujaahidiintii SNM intooda badani oo uu ka mid yahay Madaxweynaha maanta talada haya mudane Muuse Biixi Cabdi iyo badiba saraakiisaha dawlada., ha yeeshe nasiib daro G.Hawd waa meel ay Hagradeen cidii ku abtirsanaysay deegaankiisa.
Xukumada Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi in dib loo eego hooyadii Somaliland lagana dhiso dekeda qalalan iyo baahiyaha aasaasiga ah kala siman tahay gobolada kale.
Mudane madaxweyne waa in lagu daraa mashruuca JPLG oo gebi ahaanba qorshahiisu ku jirin Baligubadle.
Madaxweyne sidoo kale waa inaad dareen sanaata in abaal badan laguugu galay G.Hawd wakhtigii halgenki SNM iyo Soo bixitaankaagi Madaxweynenimo ee xisbiga kulmiye hana noqon abaal laa’we sidii Reer Baligubedle kuugu liseen ugu hanbee oo abaalkooda uga dhig inaad ka hirgeliso degedaa qalalan iyo inaad u dhamayso wadada u dhexaysa Baligubadle iyo Hargeisa iyo dhamaanba horumarka ka socda gobolada la midka ah.
Waxaanu abaal buuxda kuugu haynaynaa madaxweyne inaad maanta Baligubdle ka hirgeliso dekedaa qalalan, mashruuca JPLG ga iyo dhamaanba mashaaricda horumarada kale eek ala siman yihiin gobolada kale.
Eng Abdirahman Aden Ahmed
Hargeisa Somaliland
0634482089
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!