Booliska oo baaritaano ka wado Xaafadaha Jowhar.

0
Monday January 13, 2020 - 11:50:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo baaritaano ka wado Xaafadaha Jowhar.

    Jowhar ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay koox hubeysan oo dhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jowhar ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay koox hubeysan oo dhac

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa xaafadaha magaalada Jowhar ka billaabay howlgallo lagu sugayo ammaanka magaaladaasi, loogana hortagayo falalka amni daro ee ka dhaca magaaladaasi

 

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidamada booliisku ay howlgalladan ku baahiyeen dhamaan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay Jowhar, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada la arkayo iyagoo waqtidambe taagan waddooyinka xaafadaha.

 

Jowhar ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay koox hubeysan oo dhac ka geystata xiliga habeenkii xaafadaha magaaladaasi.

 

Saraakiisha booliska ee Dowlad Goboleed Hirshabelle ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixiyaan howlgalada ay ka wadaan Xaafadaha Jowhar ee gobolka shabeellada Dhexe.


Loading...
Loading...