Ujeedada Heshiis Ay Muqdisho Ku Kala Saxeexdeen Soomaaliya iyo Midowga Yurub

0
Monday January 13, 2020 - 08:53:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Heshiis Ay Muqdisho Ku Kala Saxeexdeen Soomaaliya iyo Midowga Yurub

    Muqdisho, - Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, - Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga
Yurub ayaa ku kala saxiixday Muqdisho heshiis ku saabsan maqaamka Ergada Midowga Yurub ee awood dhisidda tababar ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).



Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, iyo Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez.


Heshiiska ayaa waxa uu qeexayaa habka iyo wadashaqaynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo lala jaanqaadayo waxyaabaha muhiimka u leh qorshayaasha nabadgelyada iyo deganaanshaha ee lagu kobcinayo awoodda nafsiyadeed ee sare loogu qaadayo amniga badaha Soomaaliya.


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Muqdisho ayaa waxa ay tilmaameen horumarka xiriirka iskaashi ee wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya sidii hore loogu dhaqaajin lahaa si loo gaaro natiijooyin lagu qanco oo ka tarjumaya himilooyinka la doonayo.

 

Loading...
Loading...