Maxamuud Xaashi oo Qurbo-jooga KULMIYE ku eeddeeyay inay ka Qayb-qaataan Colaadaha dalka.

0
Monday January 13, 2020 - 08:40:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Xaashi oo Qurbo-jooga KULMIYE ku eeddeeyay inay ka Qayb-qaataan Colaadaha dalka.

    Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Qurbo-jooga KULMIYE ku eeddeeyay inay ka Qayb-qaataan Colaadaha dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Qurbo-jooga KULMIYE ku eeddeeyay inay ka Qayb-qaataan Colaadaha dalka
Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mida siyaasiyiinta waa wayn ee Xisbiga taladda haya ee KULMIYE, isla markaanna ka mida Siyaasiyiinta damacu kaga jiro Guddoomiyenimadda KULMIIYE, waxa uu uga digay Qurba-jooga taageera Xisbiga KULMIYE inaanay dhaqaalahoodda gelinin Hub iyo rasaas, balse ay kaga qayb-qaataan dhanka Horumarka bulshadda.

Image result for Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi


Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo magaalada LONDON kula hadlaayay taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, waxa uu u sheegay inaanay niyad-jebin oo aannay kala furfur-min, maaddaama ay ku guulaysteen doorashaddii u danbaysay ee Madaxtooyadda, taasoo uu sheegay inay Qurbo-joog ahaan halgan wayn oo siyaasaddeed ku lahaayeen.


"Qaybo ka mida Qurbo-joogu waxay waddaan dhibaatooyin iyo wax qaranka Somaliland iyo Soomaaliyabba lid ku ah. Waxaan leeyahay Qurbo-jooga qaadhaan haku bixinina qalallaasaha iyo kala qoqobka dalkiinna, haseyeeshee waxaan leeyahay qaadhaanka ku bixiya dhismaha qarankiinna iyo Qoysaskiinna. Iskuulka xaafaddiina laga dhisaayo ka qayb-qaaddo waa saddaqee, laakiin Inamo yar yar oo Qoryo qaadannaaya reernimo Qori ha ugu iibin colaad sokeeye ayay riddayaan, dhiig bay daaddinayaan." Ayuu yidhi Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi


"Qaar badan baa u dhoofay siddii ay Qalalaase iyo Colaad u riddaan oo dalkoodda iyo deegaannadooda uga sameeyaan, qaarna waxay u dhoofeen siddii ay Aqoon iyo Horumar u geeyaan."


"Nin Cabdisallaan la yidhaahdo oo reer Brigham ah waxa uu tagay Laascaanood waxa uu ka sameeyay Dugsi hoose, Dugsi sarre iyo Jaamacad, waxa uu sameeyay guul wayn, waxaan ogahay waxba sheegi maayee qaar intay halkan ka dhoofeen deegaannadoodii qalalaase geliyay oo Caruurtooddii halkan kaga tagay oo kuwo kale Qoryo u iibinnaaya oo leh dagaalama." Ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi.


Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...