Suldaan Abshir Oo Galabta Xabsiga Mandheera Laga sii Daayay.

0
Sunday January 12, 2020 - 19:18:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Abshir Oo Galabta Xabsiga Mandheera Laga sii Daayay.

    Boorama (HWN) Suldaan Abshir Maxamed Ducaale ayaa abaaro 3dii galabnimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (HWN) Suldaan Abshir Maxamed Ducaale ayaa abaaro 3dii galabnimo
ee maanta dib u helay xoriyadiisa, kadib markii laga sii daayay xabsiga Madheera oo uu mudo 27 maalmood ah ku xidhnaa.

Suldaan Abshir oo khadka taleefoonka ay shabakadu kula xidhiidhay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loosoo celiyo xoriyadiisii, waxaanu u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay siidayntiisa.



Suldaanka oo aanu wax ka waydiiday qaabkii ay ula dhaqmeen ciidamada Asluubta ee maamula xabsiga Mandheera ayaa yidhi, "Ciidamada Asluubta ee xabsiga aad baan ugu mahad celinayaa, waxana aan ku amaanayaa sida wanaagsan ee ay iila dhaqmeen, ciidankaasna waxaa kaliya ee aan ka sheegi karaa waa inay yihiin ciidan dhaqan wanaagsan, oo xushmad ii hayay, maxaabiista kalana si wanaagsan ula dhaqma"


Suldaan Abshir ayaa ka cudur daartay in waraysi cod ah uu siiyo shabakada, waxana uu balan qaaday in si fahfaahsan uu uga warimi doono wax badan marka uu nasto ka dib.


Sikastaba ha ahaatee xukuumada Muuse Biixi ayaa xabsiga dhigtay Suldaaan Abshir Maxamed Ducaale, 15kii bishii hore ee December kadib markii ay qoonsatay hadal uu ka sheegay boobka lagu hayo macdanta gobolka Awdal, waxaana maanta lasii daayay iyadoo aan wax maxkamad ah la horkeenin Suldaanka.

Loading...
Loading...