Kulankii Ugu Horeeyay Ee Xildhibaanada Cusub Ee Dowlad Goboleedka Galmudug Oo Furmay

0
Sunday January 12, 2020 - 14:26:00 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Ugu Horeeyay Ee Xildhibaanada Cusub Ee Dowlad Goboleedka Galmudug Oo Furmay

    ildhibaanada Galmudug ayaa sidoo kale ka arinsanaya Shuruudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ildhibaanada Galmudug ayaa sidoo kale ka arinsanaya Shuruudaha

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Goordhow waxaa ka furmay kulankii ugu horeeyay ee Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.

 

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay dhaarinta Xildhibaanadii shalay aan la dhaarin iyo Guddi Cusub oo ka shaqeyn doona Doorashada Madaxda Galmudug.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddiga loo magacaabi doono Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo mid Madaxweynaha Galmudug, waxaana Guddiga uu ka kooban sida la sheegayo 15 Xubnood.

 

Xildhibaanada Galmudug ayaa sidoo kale ka arinsanaya Shuruudaha iyo waxyaabaha looga baahanyahay Musharixiinta u taagan Qabashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug , waxa ay iska soo dhax xuli doonaan Guddiga Doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug.

 

Xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa horyaalo shaqooyin adag iyo soo doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo waliba Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug.


Loading...
Loading...